XOGTA: Ciidanka La Wareegay Muqdisho

0
537

Inkastoo amni darri ay ka jirto  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa hadana waxaa jira qorsheyaal badan oo dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneyso in lagu sugo amniga caasimadda, xilli magaalada amnigeeda lagu wareejiyey askar ka mid ah ciidanka xoogga dalka oo dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda, balse la sheegay in mushaarkoodu bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa lagu arkay waddooyin badan oo magaalada Muqdisho ah, sidoo kale waxay la wareegeen Kontaroolo badan oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka kale ee dowladda, kuwaas oo la sheegay in isbedal amni ku keenayaan caasimadda.

Inkastoo dowladda Imaaraadka ciidankaan ka leedahay dano gaar ah, hadana waxaa la sheegayaa in badi ammarka ciidamadaan ay ka qaadan doonaan dhanka dowladdaasi, sidoo kalena dowladda federaalka ay uga faa’ideysan doonto howlaha amniga caasimadda.

Askartaan waxa ay yihiin kuwo aad uga mushaar badan ciidanka kale ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyey in askari walbaa uu mushaar ahaan u qaadanayo lacag dhan 500 doolar.

Hadda waxaa la geeyay xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho kuwaas oo amni darri aad u baahsan ay ka taagneyd wallow aan la ogaan karin waxa ay soo kordhin doonaan maadaama meelahaas ay horayba u joogeen ciidanka dowladda federaalka.

Sidoo kale, xillli ciidankaan amniga Muqdisho ay la wareegeen ayaa hadana argagaxisada Alshabaab waxay sii wadaan falalka amniga wax u dhimaya ee caasimadda, iyadoo Afurkii shalay ay magaalada ku garaaceen Hoobiyaal waxyeello soo gaarsiiyay dad shacab ah.

Waxaa la tabayaa doorkii saxd ahaa ee ciidanka Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ee ku wajahan sugidda amniga marka laga soo tago in awoodda ciidanka loo adeegsado dano shaqsiyadeed ama lagu dulmi muwaadin aan waxba galabsan.

Sida ay qabaan qubarada ammaanka, ciidanka dowladda federaalka kaliya ma sugi karaan ammaanka guud ee dalka haddii aanay wadashaqeyn buuxda ka helin shacabka oo ay ugu horreeyaan kuwa caasimadda.

Sida marar badan dhacday inta ciidanka dowladda aanay u kala soocneyn shacab iyo Shabaab waxaa mar walba meel hoose joogaya amniga Muqdisho, sababtoo ah shacabkii la shaqeyn lahaa ciidamada iyaga ayaa la kulma gumaadka ugu xun ee ka yimaada dhanka dowladooda.

Haddii weli ay xiran yihiin jidadka Muqdisho waliba sabab la’aan, laguna baajin qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada, hooyada Soomaaliyeed mararka qaar jidka ku umusho iyadoo loo waayo waddo la marsiiyo gaariga ay saaran tahay wey adkaan doontaa iney shacabka Muqdisho iyo dowladda is fahmaan.

Maadaama shacabka Muqdisho yihiin kuwa kaliya ee bixiya canshuurta dowladda federaalka, ayaa mudnaa helista adeegyada ugu badan ee dowladda, sida amniga, dhismaha xaafadaha, helista waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah, balse dowladda oo aan intaas u qaban shacabka ayaa hadana waxay ugu dartaa dhibaatooyin keeni kara kacdoon shacab.

Geesta kale, sida muuqata waxay mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dib usoo celiyeen dhaqanka waddo xirashada marka ay meelo booqanayaan xilli shacabka isku diyaarinayo maalinta ciidda oo maalmo kooban ay ka harsan tahay.

Shacabka qaar ayaa kuu sheegaya in mararka qaar niyadooda soo gasho iney Muqdisho oo dhan uga guuraan dowladda darteed maadaama aan wax xuquuq ah helin, sidoo kalena mararka qaar dadka Muqdisho loola dhaqmo ajnabi dal kale ka yimid bedalkii magaaladooda ugu yaraan ay nabad ugu joogi lahaayeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna qaadanaya dhaliisha ugu badan maadaama uu kusoo koobmay maamulka in qori caaradiis lagu raadiyo canshuur aan dadkii laga qaaday kusoo noqon, lana iloobay dib usoo celinta bilicda caasimadda.

LEAVE A REPLY