XOG: Somaliland Oo Afar Jiho Ka Weerareysa Laascaanood

0
430

Somaliland ayaa la kulantay culeys dhaqaale oo aad u xooggan, kaas oo sabab u ah dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana sidoo kale laga baqayaa in deegaanno badan oo Somaliland ah uu ka bilowdo sicir barar aad u baahsan, xilli sidookale uu jiro qorshe ay Somaliland ku dooneyso iney Afar jiho kaga weerarto Laascaanood.

Somailand waxa ay sheegtay in dhaqaalihii ay heli jirtay uu markaan hoos u dhacay waliba si xoli ah, dhowr sababoo oo isbiirsaday haba ugu weynaatee sababta ku aaddan dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.

Qodobka ugu horreeya ayaa lagu sheegay in dekadii berbera ganacsigii uu gabi ahaamba ka wareegay, sababo ku aaddan dagaalka Sool iyo in ganacsatadu qaar waayeen meel ay marsiiyaan marka ay wax kala soo degaan Berbera.

Qodobka Labaad ayaa ah in dagaalka Laascaanood uu saameyn weyn ku yeeshay suuqii Wajaale ee isku xirayey Kenya, Soomalaiya illaa iyo Itoobiya, waana Isha Labaad ee Somaliland dhaqaalaha ugu badan ay ka heli jirtay.

Arrinta Saddexaad ee saameynta ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland ayaa ah Gubashadii sanadkii hore ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo saameyn ba’an ay ka dhalatay, welina aan illaa iyo hadda aan laga soo kabsan.

Wasiirada xukuumadda Bixii ayaa iyana laga jaray mushaarkooda waxaana loo weeciyey dhanka taakulada ciidamada Somaliland ee dagaalka xooggan kula jiro SSC, kaas oo ka soconaya magaalada Laascaanood.

Dhaqaale yahannada ayaa sheegaya in haddii aanay Somaliland sida ugu dhaqsiyaha badan xal uga keenin dagaalka Laascaanood in xaaladda dhaqaale ay kasii dari doonto, maadaama saameynta intaa la eg la dareemay Laba bil gudaheed oo kaliya.

Dhinaca kale, xogaha soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Somaliland ay damacsan tahay walibana ay qorsheysay iney qaaddo weerar Afar jiho ah, kaas oo horayba loo saadaalinayey, balse waxaa isasoo taraya xogaha dheeraadka ah ee la helayo.

Jihada Koowaad ayaa ah dhanka Bariga oo ah aag buuraley ah, ulajeedkuna waa in loo talaabo Koonfur haddii laga gudbo difaaca ciidanka SSC ee halkaasi yaalla.

Jihada Labaad ayaa ah Bariga dhexe oo in lasoo gaaro buuraha oo dhan, balse halkaasi aad bay u culus tahay, dagaalkuna wuxuu noqon karaa mid aan si sahal ah lagu kala adkaan difaaca adage e deegaanka awgiis.

Dhanka Saddexaad ayaa  Galbeed oo ay ciidanka ku dhawaadaan Garoonka diyaaradaha iyo wadada Canjiid oo lasoo celiyo.

Qorshaha Afaraad ama Jihada kale ee weerarka ayaa ah Maraaga in la saaro culeys aad u xooggan si aysan isugu dayin in ay furan 4KM oo wadada laamiga Garoowe iyo Laascaanood isku xirta ah.

Saraakiisha Somaliland ayaa aaminsan in dhammaan qorshahan yahay mid lagu soo gabagabeyn doono dagaalka Magaalada Laascaanood, sidoo kalena dib loogu soo celin karo gacan ku haynta magaaladan.

Horay waxaa u jiray qorsheyaal aad u badan oo ku saabsan sidii ay Somaliland mar kale duulaan xooggan oo kama dambeys ah ugu qaadi lahayd magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, welina waxaa soconaya diyaarinta ciidanka Somaliland.

LEAVE A REPLY