Maxay ka dhigan tahay tallaabada taariikhiga ah ee BF Soomaaliya?

0
101

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo muddo dheer dood xoogan ay ka taagnaayd.

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid wax ka beddeleysa nidaamka dowladnimada dalka.

“Dastuurka waxa laga beddalay waxay ahaayeen wax too toosin ah oo qurxin ah waxna waxay ahaayeen wax ku saabsan haylkalka & nidaamka dowladnimada” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in fursad ay siineyso shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dooran doonaan xildhibaannada iyo madaxweynahooda.

“Hadda waxa ugu badan ee laga beddalay waxay ahayd madaxweynaha iyo xildhibaannadu inay soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, doorashadaas oo ah qof iyo cod” ayuu raaciyay.

Dhankeeda xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka hadashay codeynta ka dhacday baarlamaanka ayaa sheegtay inay tahay guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, waxayna farriin u dirtay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee diidan dastuurka.

“Shacabka Soomaaliyeed way guulaysteen waxaan rabaa inaan farriin u diray dad waxaa jiray diidan, horta kursigan hal nin ayaa nasiib u yeelan kara ama hal madaxweyne ee waxaa ballan qaadeen  qof kasta inuu dhameystiri doono dastuurka hadda waxaan leeyahay kuligiina madaxweynayaal ma noqon kartaanee ninka uu jaaniska siiyay mara halooga faqo” ayay tiri xildhibaanaddu.

Qaali ayaa ugu dambeyn ugu baaqday xubnaha mucaaradka inay dhinacooda dadka kasoo raacaan, si loo dhammeystiro dastuurka KMG ah ee dalka

“Waxaan rajeynayaa inaad Idaacadaha soo fariisataan oo aad tiraahdaan Soomaali oo dhan way is raacdee, annagana waan raacnay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Qaali Cali Shire.

LEAVE A REPLY