Ruushka Oo Talaab Adag Qaaday

0
422

Xuduudka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa laga dareemay horumarro cusub oo dhinaca ammaanka ah, iyadoo dhinaca kale Washington ay daaha ka qaaday qiyaasta khasaaraha kooxda militariga Ruushka ee Wagner Group ee magaalada Bakhmut ee dalka Ukraine, taasoo uu si joogto ah u weeraray Ruushka tan iyo xagaagii hore.

Guddoomiyaha gobolka Bryansk ee dalka Ruushka oo ku yaalla xadka Ukraine, Alexander Bogomaz ayaa sheegay in tareen nooca xamuulka ah uu ka leexday waddada shalay oo Isniin ahayd, taasoo ka dhalatay qaraxa walxaha qarxa oo lagu aasay waddooyinka gobolka Uchinsk ee gobolkaasi.

Dhowaan ayaa Ruushka ka hadlay inuu fashiliyay duulaanka ay maleeshiyaadka Ukraine ku qaadeen magaalada Bryansk, waxaana tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine uu Ruushka marqaati ka ahaa falal qaran dumis ah oo saameyn ku yeeshay xarumaha ciidamada, xarumaha qorista ciidamada iyo xitaa wadooyinka tareenada.

Badhasaabka gobolka Alexander Drozdenko ayaa sheegay qaraxa ka dhacay boosteejada taageerada khadka korontada ee magaalada Susaninsky, ee gobolka waqooyi-galbeed ee dalka.

Drozdenko ayaa wuxuu intaas ku daray in halkaasi laga helay shay aan la garaneyn oo u eg walxaha qarxa, wuxuuna beeniyay inuu hakad ku yimid Korontada goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Gobolka Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii, ayaa maamulka dalkaasi waxay sheegeen in Isniintii ay fashiliyeen weerar cusub oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Guddoomiyaha Sevastopol ee Mikhail Razvogaev, ayaa sheegay in maraakiibta badda madow ay iska caabiyeen weerar ay Ukraine ku soo qaadeen magaalada, Wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan hal mar la toogtay.

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ee John Kirby, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in qiyaasta Sirdoonka Maraykanka ay muujinayso in khasaaraha ciidamada Ruushka ka soo gaadhay dagaalladii Ukraine ka socday tan iyo bishii December ay gaarayso 20,000 oo dhimasho ah iyo 80,000 oo dhaawac ah.

John Kirby ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in qiyaasaha sirdoonka Mareykanka ay muujinayaan in kala bar dadka ku dhintay Ruushka ay ka tirsan yihiin kooxda gaarka loo leeyahay ee Wagner Group, isagoo xusay in dadka dhintay ay u badan yihiin maxaabiis hore loo xukumay oo lagu tuuray dagaalladii ka dhacay magaalada Bakhmut ee bariga dalkaas. Ukraine, iyagoo aan yesan tababar ciidan iyo hoggaan ku filan.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo qiyaasta Washington ee khasaaraha bani’aadamnimo ee dhinaca Ukraine, isagoo sheegay inaysan shaacin doonin wax kasta oo xaalada ku adkeenaya dadka reer Ukraine, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sida laga soo xigtay tiradii ugu dambeysay ee uu daabacay Taliska Guud ee Ciidamada Ukraine, in ka badan 190,000 oo askarta Ruushka ah ayaa la dilay lana dhaawacay tan iyo markii uu bilowday weerarka Ruushka ee Ukraine 24-kii February 2022.

Dhanka kale, Moscow waxay ku dhawaaqday in tobanaan kun oo ka tirsan ciidamada Ukraine lagu dilay in ka badan 12 bilood oo dagaalka socday.

Maxaa ka cusub dagaalladii ka socday magaalada Bakhmut?

Dagaallada ayaa weli ka socda magaalada Bakhmut, iyadoo ay jiraan hadallo is-khilaafsan oo ka soo baxaya labada dhinac ee dirirtu u dhexeyso oo ku saabsan gacan ku heynta magaalada oo gebi ahaanba uu ka muuqdo burbur xoogan.

Iyadoo Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay sheegtay Isniintii in ciidamadeedu ay sii wadaan inay ku sii socdaan Bakhmut. Ayay Hanna Maliar oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhigga Ukraine, waxay xaqiijisay, in ciidamada Ruushka ay ku guuldareysteen inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada, inkastoo ay u adeegsadeen dhammaan agabkoodii dagaalka.

Hanna Maliar ayaa sheegtay in dagaalka uu weli ka socdo gudaha Bakhmut, isla markaana ciidamada Ukraine ay u suuragashay inay dib u soo ceshadaan goobo ka mid ah halkaasi, kaddib markii ay Ruushka guulo ka gaareen, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankiisa, taliyaha kooxda bari ee ciidamada Ukraine, General Oleksandr Sersky, ayaa xaqiijiyay, inta lagu guda jiray booqasho kormeer ah oo uu ku tagay furimaha dagaalka ee Bakhmut, in ciidamada Ukraine ay u suurtagashay, weeraro rogaal celis ah kaddib, inay dib u soo celiyaan goobihii magaalada.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadooda ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Ruushka ee gacanta ku haya magaalada Bakhmut, inkastoo ay si joogto ah isugu dayeen inay gudaha u galaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine. Mar kale ayuu ku tilmaamay xaalada magaalada mid adag.

Taliyaha kooxda bari ee ciidamada Ukraine, General Oleksandr Sersky ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Ruushka, ayna tiro askar ah ku qabteen bariga Liman ee magaalada Donetsk.

Dhinaca kale, Taliyaha Kooxda Wagner ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin, ayaa markale ka cawday in ciidamadiisa aysan ka helin tirada saxda ah ee rasaasta Wasaaradda Difaaca Ruushka. Maalmo kahor, Prigozhin waxa uu ku hanjabay inuu dagaal-yahanadiisa kala baxayo Bakhmut, haddii aanay helin rasaas badan.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in laba qof ay ku dhinteen, 40 kalena ay ku dhaawacmeen mowjadda cusub ee gantaallada Ruushka uu ku garaacay dhowr gobol oo ka tirsan Ukraine shalay subax oo Isniin ahayd.

Zelensky ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dadyoow badan ay waxyeelo ku soo gaartay goobo kala duwan oo aa ka mid yihiin Chernihiv oo ku taal waqooyi-bari iyo Bavlorad oo ka tirsan Dnipro ee koonfur-bari, wuxuuna markale ugu baaqay in xulafada dalkiisa ay xoojiyaan difaaca hawada.

Weerarkii labaad ee noociisa ah ee Ruushka ayaa maalmihii la soo dhaafay lala beegsaday caasimadda Kiev iyo gobollada waqooyi, bari iyo bartamaha Ukraine, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in difaacooda ay soo rideen 15 gantaal oo Ruushka leeyahay oo 18 ka mid ah laga soo riday duqeymaha istaraatiijiga ah ee hawada sare. Badda Caspian

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamadooda ay duqeeyeen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ukraine, iyagoo garaacay dhammaan bartilmaameedyadooda, waxayna sidoo kale ka hadashay duqeyntii goobaha Ukraine ee Donetsk, taasoo sababtay dhimashada 60 askari oo Ukraine ah.

Guddoomiyaha gobolka Kherson ee dalka Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in labo qof oo rayid ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Ruushka uu la beegsaday koonfurta gobolkaasi, isagoo xusay in 160 jeer saacadihii la soo dhaafay ay Ruushka duqeeyeen gobolkaasi oo ay u adeegsadeen madaafiic culus, gantaallada Grad iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo waxyeello u geystay iskuullada, xarumaha caafimaadka iyo maamulka.

Dhankooda maamulka gobolka Zaporizhzhia ee ku yaalla koonfurta bari ee dalka Ruushka ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen 14 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyntii Ukraine ay ka geysatay magaalada Mikhailovka oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.

LEAVE A REPLY