Xoghaye Buux oo Fariin Ku Aadan Dhaarinta u Diray Xildhibaannada Cusub

0
485

Xoghayaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Cabdi Xaali Buux ayaa fariin waxaa u diray xildhibaannada cusub ee la doortay ee lagu wado in barri loo dhaariyo Baarlamaanka 11-aad, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada qaatay Shahaadada iyo kaararka aqoonsiga  barri ay yimidaan xerada Jeneral Kaahiye.

Buux oo qoraal kooban soo dhigay social media ayaa ugu baaqay in xildhibaannada barri ay isugu yimaadan dugsiga ciidanka Booliiska Jeneral Kaahiye, halkaas oo looga sii qaadi doono teendha Afisyooni oo ah halka ay ka dhacayso xafladda lagu dhaarinayo xildhibaannada barri oo khamiis ah  taariikhdu tahay 14-ka April 2022-ka.

“Beri hadii ilaahay yiraahdo Xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa  akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo, Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.Baabuurtiina iyo askartiina waxaa uga tageysaan barxada Dusiga jeneral Kaahiye” ayuu ku yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY