Britain Oo Ku Dhawaaqday Kaalmo Milatari Oo Cusub Oo Ay Siineyso Ukrain

0
538

AMidowga Yurub ayaa isku diyaarinaya in uu cunaqabateyn lixaad leh ku soo rogo Ruushka, halka Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ku dhawaaqay in dalkiisu uu doonayo in uu gargaar millatari u fidiyo Ukraine oo qiimahiisa dhan yahay 300 milyan ginni oo u dhiganta 376 milyan oo dollar, halka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin saxiixay wareegto lagu soo rogayo cunaqabatayn dhaqaale  shakhsiyaadka iyo hay’adaha dalalka reer galbeedka taas oo u muuqato mid aar gudasho.

Khudbad uu ka hor jeediyay baarlamaanka Ukraine ayuu Johnson ku daray in gargaarka cusub ee dalkiisu siin doono Ukraine ay ka mid yihiin Raadaarrada lagu ogaanayo duqeymaha, diyaaradaha culculus iyo aaladaha habeenkii wax lagu arko.Sarkaal Ingiriis ah ayaa sheegay in dalkiisa uu u diri doono gantaalaha lidka maraakiibta iyo hababka difaaca hawada Ukraine toddobaadyada soo socda.

London waxay siisay Kyiv £450 milyan oo u dhiganta ($563 milyan) oo ah gargaar milateri, kuwaas oo ay ku jiraan kumanaan gantaallada lidka taangiyada fudud ee loo ballan qaaday, baabuurta gaashaaman ee daadgureynta loo isticmaalo, gantaallada lidka maraakiibta, iyo nidaamyada difaaca hawada.

Sidoo kale, dowladda Britain ayaa maanta sheegtay inay ugu deeqday 13 ka mid ah baabuurta gaashaaman Ukraine, si ay uga qayb-qaataan daad-gureynta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada go’doonsan ee bariga Ukraine.

Khudbada uu ka jeediyay baarlamaanka Ukraine ayuu Johnson ku sheegay in Putin uu sii wado ololihiisa foosha xun ee sharci darrada ah ee uu ku doonayo inuu ku maamulo dhulka Ukraine, askartiisana ay galayaan dambiyo dagaal, wuxuuna intaa ku daray in Ukraine ay burburisay khuraafaadkii ahaa in Putin uu yahay mid aan laga adkaan karin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ukraine ay guulaysan doonto oo ay xor ahaan doonto.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn inuu afgambiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, balse uu doonayo inuu caalamka u horseedo sidii Ukraine ay isaga difaaci lahayd waxa uu ugu yeeray gardarada arxan darada ah.

Dhinaca kale, Safiirka Britain ee Ukraine Melinda Simmons ayaa markii ay timid caasimadda Kyiv waxay sheegtay inay caddahay sida ay u adag tahay in Ruushku uu isku dayayo inuu qabsado Kyiv, iyo sida degdegga ah ee diiradda loo saarayo duqaynta iyo weerarrada dadka rayidka ah, wuxuuna safiirku muujisay iyada oo ka naxday waxa ay aragtay iyada oo dooneysay in ay dib u furto safaaradda dalkeeda ee caasimadda Ukrain.

Dhanka kale Magaalada Paris, madaxtooyadda Faransiiska ayaa sheegtay in wada hadalladii u dhaxeeyay madaxweyne Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Ruushka uu dhammaaday, islamarkaana qaatay labo saacadood iyo 10 daqiiqo

War saxaafadeedka madaxtooyada Faransiiska ayaa intaa ku daray in talefoonka dhexmaray Macron iyo Putin maanta uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 29-kii bishii hore ee March Madaxtooyada Faransiiska ayaa tilmaantay in baaqan uu ka yimid hindisaha Madaxweynaha Faransiiska.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista xiriirkan uu yimid ka dib markii Macron uu ku dhawaaqay in la kordhinayo taageerada milatari ee Ukraine mar uu khadka taleefanka kula hadlayay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Putin uu u sheegay Macron baaqa uu maanta jeediyay in reer galbeedku ay gacan ka geysan karaan “soo afjaridda xadgudubyada ciidamada ammaanka ee Ukraine,” isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in reer galbeedka ay joojiyaan hubka ay siiyaan Kyiv.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY