Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Kismaayo

0
552

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay gudaha magaalada.

Inta la xaqiijiyay qaraxa oo lala bartilmaameedsaday guri uu dagganaa madaxa howlaha dekedda Kismaayo  waxaana qaraxa ku geeriyooday laba qof, halka uu qof kale uu dhaawac ka soo gaaray.

Hooyo xaamillo ah ayaa kamid ah dadka qaraxa ku dhintay iyo wiil ay dhashay, halka dhaawaca uu soo gaaray wiil dhalinyaro ah oo ka agdhawaa goobta xilliga uu qaraxa dhacayay.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Wasaaradda.

LEAVE A REPLY