Milatariga Somaliland oo ku dhaartay inuu dagaal culus ku qaadayo Laascaanood

0
259

Kadib dagaalkii shalay dhexmaray ciidamada Somaliland iyo xoogaga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood, millateriga ayaa markale ku dhawaaqay in uu qaadayo talaabooyin hor leh.

Taliyaha Guutada 12aad ee Millateriga Somaliland Faysal Cabdi Bootaan, oo la hadlay muuqbaahiyaha afka xukuumada ku hadla, ayaa sheegay in ciidanku uu qaadayo talaabooyin millateri oo xoogan.

“Ciidanka qaranku howlgaladiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta” ayuu yidhi Taliye Bootaan oo ku sugan taliska Gooja-cadde, oo ku dhow magaalada Laascaanood.

Taliyuhu waxa uu sheegay in xoogaga kasoo horjeeda uu khasaare wayni kasoo gaadhay dagaalkii shalay, isaga oo si gaara maamulka Puntland ugu eedeyay in uu caddaystay dagaalka.

Dhankooda afhayeen Sabtidii u hadlay garaadada, ayaa sheegay in ay dileen 100 askari oo ka tirsana ciidamada Somaliland isla markaana ay dhaawaceen 100 kale, isaga oo sheegay in ay ciidamada Somaliland dagaalka ku jabiyeen.

Dhexdhexaadin dhinacyo kala duwani tiraba dhowr jeer isku dayeen ayaan guulaysan, iyadoo xabad joojin ay dhinacyadu xiliyo kala duwan ku dhawaaqeen ayna dagaalka joojin.

Maraykanka ayaa dhawaan dhinacyada ugu baaqay in ay xabada joojiyaan, isaga oo Somaliland usoo jeediyay in ay ciidamadadeeda dib uga saarto furimaha dagaalka, taasi oo Somaliland ka gows adaygtay.

LEAVE A REPLY