Faysal Cali Waraabe: Dagaalkii u danbeeyay waa lagu quustay

0
557

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dagaalkii shalay ee Laascaanood, uu aha mid xoogaga Laascaanood niyad jabiyay, oo lagu jabiyay.

Waraabe ayaa sheegay in dagaalka uu ku jiro maamul goboleedka Puntland, iyo koox siyaasiyiin caan ah oo uu dhowr jeer oo hore sheegay in uu madax u yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

“Dagaalkii u danbeeyay waxan u bixiyay af-gudhiye, waa lagu quusanaya, dagaalka maanta way caddaatay si toosa waxa ugu jira maamulka Majeerteeniya ee Maxamuud Saleebaan, iyo guruubkii G21” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in dagaalku hada kadib u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland “Waad ogtihiin dadka la qabtay iyo buubuurta la qabtay xata waxa ku jira ciidankii PSF ee Diyaana, hada wixii ka danbeeya dagaalku wuxu inaga dhexeyaa inaga iyo maamulka Majeerteeniya”.

Dagaalka Laascaanood waxa uu ku tilmaamay duulimaad lagu soo qaaday Somaliland, oo la doonayo in lagaga hortago ictiraafka iyo soo saarista saliida, isla markaana ay fududaysay maamul xumo uu sameeyay madaxweyne Biixi.

Dagaalka shalay ayaa lagu qabtay ilaa 13 maxbuus oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka PSF ee Puntland, dhanka kalena garaadada ayaa horay u sheegay in ciidamo Puntland ahi ayna Laascaanood joogin, iyado Puntland lafteeduna beenisay in ay dagaalka lug ku leedahay.

Dagaalka shalay ayay dhinacyadu isku eedeeyeen in uu midba midka kale ka gacan horeeyay, iyadoo labada dhinacba ay sheegteen in ay guul ka gaadheen dagaalka.

LEAVE A REPLY