Macruuf Xaaji, Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Abaaraha oo Ka warbixiyay Shir uu ka Qeybgalay Ergayga oo Looga Hadlayay Abaaraha iyo Adkaysiga Is-beddelka Cimilada

0
670

Agaasimaha Xiriirka bulshada ee Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji oo la hadlay mareegta Marqaati ayaa ka warbixiyay Shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay isla markaana uu ka qeybgalay Ergayga gaarka ah ee Abaaraha Abdirahman Abdishakuur oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada.

Sida uu Agaasime Macruuf Xaaji noo sheegay Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.

Ugu dambeyn sida uu Agaasime Macruuf Xaaji sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.

LEAVE A REPLY