Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu kusoo dhaweeyay kulanna kula qaatay Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Kuxigeenka Ergeyga ee Arrimaha Bini-aadannimada Mr. Adam Abdelmoula. Iyadoona kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Guud.
Danjire James Swan ayaa ugu horeyn Duqa Magaalada Muqdisho ugu Hambalyeeyay xilka marlabaad loosoo Magacaabay, asigoona u rajeeyay in uu waxbadan ka qaban doonno Horumarka, Dib-u-dhiska, Kobac dhaqaalaha, Amniga, Bilicda iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada. Taasi oo uu sheegay in Xafiiska QM ee Soomaaliya uu garab kusiin doonno Maamulka Gobolka Banaadir, sidii tiirarkaasi muhiimka ah loogu dhabeyn lahaa.