Khaladaad Ka Dhacay Furimaha La Dagaalanka Argagaxisada

0
398

Guulo waaweyn ayaa ciidamada huwanta ah soo hooyeen balse waxaa jira daldaloolo sixitaan u baahan.

WASHINGTON, USA – Howlgalada milatari ee ay iska kaashanayaan ciidamadda Soomaaliya iyo dadka degaanka had iyo goor ma ahan mid si habsami leh ku socda, sidda laga soo xigtey majaaladda afka dheer ee Washington Post.

Jariirada laga leeyahay Mareykanka oo soo xigatay shan askari iyo maleyshiyo dadka degaanka ah ayaa soo bandhigtey daldaloolo ka jira furimaha dagaalka oo saxitaan degdeg ah uga baahan xoogaga huwanta ah.

Sida laga soo xigtey warbixinta, Macawiisleyda ayaa dhowr dhaqaaqay qorshe la’aan. Tusaale ahaan, bishii hore, mar ay isku-dayeen in ay qabsadaan magaalada Masaajid Cali Gaduud waxay ku waayeen lix dagaalame.

“Saddex duqeyn oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa markii dambe ka caawiyey ciidanka iyo maleyshiyaadka degaanka in Al-Shabaab ay ka baxdo magaalada,” ayay warbixintu ku dartey.

Sawirro iyo muuqaal la faafiyey kadib markii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ka baxeen Masaajid Cali Gaduud ayaa muujiyey in in xabsigooda magaalada ay ku qornaayeen magacyo iyo lambarada maxaabiis.

Gacan ku hayn la’aan

“Sababo ku aadan qaabka foosha xun ee loola dhaqmaayey, waxaa laga yaabaa in [maxaabiista] ay ugu qoreen magacyadooda iyo lambaradooda in ay aaminsanaayeen in ay sii noolaan doonin,” ayuu yiri askar ka hadlay WP.

Daldalooda kale ee warbixinta lagu sheegay waxaa kamid ah in ciidamadda aysan degaanada qaar kusii raagin taasoo sababaysa in Al-Shabaab ay dib ula wareegaan waxaana arrintaas ay dharbaaxo ku tahay kkacdoonka.

Tusaale ahaan, bartamihii bishii November, ciidanka ayaa la wareegay degmadda Wabxo. Maadaama aysan haysan cudad ay kusii joogaan, waa ay soo faarujiyeen. Afar maalmood kadib, Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay magaaladda.

Bishii August, ciidamada iyo xoogaga beelaha ayaa galay degaanka Bukure ee gobolka Hiiraan kadib dagaal socdey laba saacood oo ay Nuur Cabdi Cilmi oo dadka degaanka ah ku qeexay “in rasaasta ay u da’aysay sidda roobka”.

“Hase ahaatee, ciidamadda way ka baxeen aaggaas saacado kadib. Al-Shabaab ayaana kusoo laabatay. Kooxda waxay bilowday in ay gubto guriyaha, bakhaarada iyo ceelasha. Ciidanka ayaa kadib soo noqdey,” ayuu tibaaxay Nuur.

LEAVE A REPLY