Xi Jinping ayaa ugu baaqay reer galbeedka inay wadahadal la galaan Moscow… Halka Biden uu uga digay cawaaqibka ka dhalan kara caawinta Ruushka ee dagaalka uu ku hayo Ukraine.

0
507

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in dagaalka Ukraine lagu soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan, halka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu uga digay in uu Moscow ka caawiyo dagaalka ay kula jirto Kyiv, ka dib xiriir dhanka  khadka taleefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye Jimcihii kaas oo socday ku dhawaad ​​labo saacadood.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Shiinaha, Xi wuxuu ku adkeeyay Biden muhiimadaha ugu sarreysa ee sii wadidda wadahadalka iyo wada xaajoodka, ka fogaanshaha dhaawacyada rayidka ah, ka hortagga dhibaatooyinka bini’aadanimo iyojoojinta dagaalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa intaa ku daray in dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan ay tahay inay si wadajir ah u taageeraan wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, halka Maraykanka iyo NATO ay la hadlaan Ruushka si loo xalliyo “xudunta” dhibaatada Ukraine iyo in la xalliyo walaaca amni ee Ruushka iyo Ukraine.

TV-ga Shiinaha ayaa sheegay in Xi Jinping uu ku nuuxnuuxsaday  baaqa ah in “xiriirka ka dhexeeya waddamadu uusan gaari karin xadka ficillada milatariga,” isagoo tixgeliyay in “nabadda iyo ammaanku ay yihiin hantida ugu qiimaha badan ee beesha caalamka”.

Waxa uu xusay in maadaama ay yihiin xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, in labada waddan aysan kaliya xoojin xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, laakiin sidoo kale “ay qaadaan mas’uuliyadaha caalamiga ah oo ay sameeyaan dadaallada nabadda adduunka.

Beesha caalamka waa inay qiimeeyaan ammaanka iyo nabadda, ayuu yiri Xi Jinping, isagoo intaa ku daray in dhibaatada ka taagan Ukraine “aysan ahayn waxa aan doonayno inaan aragno,” sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay soo saartay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Washington ayaa isku dayeysa inay ku cadaadiso Beijing inay ku biirto cadaadiska reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka si loo joojiyo dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Baaqan ayaa ah kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne dhex maraan tan iyo markii ay qabteen shir muuqaal ah bishii November. War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in baaqaasi uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu joogteeyo khad xiriir ah oo dhexmara Mareykanka iyo  Shiinaha.

Dhankiisa, Biden waxa uu uga digay dhiggiisa Shiinaha cawaaqibka ay Beijing kala kulmi doonto haddii ay ka caawiso dalka Ruushka dagaalka uu kula jiro Ukraine, sida uu ku dhawaaqay Aqalka Cad.

Bloomberg News ayaa sheegtay in baaqaasi uu fursad u ahaa Biden si uu u qiimeeyo halka ay Beijing ka taagan tahay dagaalka iyo sida uu dhiggiisa Shiinaha u arko doorka dalkiisa, ka dib markii qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Shiinaha ay soo saareen hadallo iska soo horjeeda oo ku saabsan taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Ruushka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa uga digay Shiinaha cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii ay Ruushka siiso wax kaalmo militari ama dhaqaale ah oo uu u adeegsado dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Shiinuhu waxa uu goor sii horeysay meesha ka saaray tilmaamo gaar ah oo muujinaya in uu dagaalka dhinac qaldan ka doortay.

 “Eedaynta ah in Shiinuhu uu dhinaca khaldan ka hayo taariikhda waa isla wayni…waa Maraykanka kan dhinaca khaldan ee taariikhda ku jira,” kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Hua Chunying ayaa ku tiri barteeda Twitter-ka.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY