Dagaalka Ukraine…Heshiis lagu furayo 10 Marinno bini’aadantinimo ah oo ku yaal Mariupol…Halka Qaramada Midoobay ay ka digtay macluul ku habsata caalamka.

0
390

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine Irina Vereshchuk ayaa ku dhawaaqday in la furayo 10 ka mid ah marinada bini’aadantinimada, si dadka rayidka ah looga daad gureeyo magaalooyinka  ku yaalla jiidda hore ee ciidamada Ruushka, xilli Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul baahsan oo ka jirta qaar ka mid ah gobollada adduunka taas oo u sabab ah dagaalka iyo carqaladaynta silsiladaha saadka awgeed.

Waxa ay sheegtay in la isku afgartay marin loo maro magaalada go’doonsan ee Mariupol, inkastoo dadaalkii lagu doonayay in dadka rayidka ah looga saaro halkaasi laguna dhawaaqo xabad joojin ku meel gaar ah ayaa fashilantay, iyadoo dhinac walba uu mas’uuliyadda uu saarayo dhinaca kale.

Wargeyska “The Independent” oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan Ukraine ayaa sheegay in dhimashada Mariupol ay kor u dhaaftay 2,500 oo qof, halka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay uu sheegay in 816 qof oo rayid ah lagu dilay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday halka ilaa 3 milyan oo qof ay ka qaxeen Ukraine, ilaa labo milyan oo kale ayaa ku barakacay wadanka gudahiisa, sida laga soo xigtay isla qaramada midoobay.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay wali carqaladeynayaan marinada bini’aadantinimo ee ku wajahan magaalada Mariupol.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ukraine ayaa sheegay in magaalada Mariupol ay go’donsantahay muddo 16 maalmood ah, halka in ka badan 350,000 oo qofna oo ku sugan gudaha magaalada ay gabaad ku jiraan.

Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in Jimcihii la furay marinnada bini’aadantinimo, waxayna sheegtay inay ilaalineyso xabbad-joojinta dhammaan marinnada bini’aadantinimo ee Kyiv ay soo jeedisay.

Dhankiisa, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka xaquuqda cuntada, Michael Fakhry, ayaa sheegay in ammaanka cunnada adduunka uu halis ku jiro iyadoo ay sii kordhayaan saameynta tooska ah ee dagaalka uu ku leeyahay dhoofinta cuntada, iyadoo la og yahay in Ruushka iyo Ukraine ay ka mid yihiin  shanta wadan ee ugu weyn ee dhoofiya miraha  aduunka.

Fakhri ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada militari ee lagu hayo Ukraine, ka hor inta aysan dhicin cawaaqib caalami ah iyo kuwa mustaqbalka fog ah oo ku yimaada cuntada aduunka taasi oo saameyn doonta qof walba.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY