Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso

0
772

Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Diri ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha booliiska gobolka bari kaas oo looga hadlay ama la iska wareystay amaanka guud ee gobolka bari iyo sidii markasta kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni.

Taliyaha ayaa ayaa saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka guud ee gobolka, intii uu socday looga hadlay iyo wax laga qabtay khamiistii lasoo dhaafay kuwaas oo qodob qodob loo dull istaagay iyo in la joogtayn doono.

Shirkan oo khamiis kasta la isaga wareysan doono waxyaalihii qabsoomay haddii ay jiraan wax soo kordhay iyo qorshayaasha amaanka Gobolka. Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray isdhexgalka bulshada iyo saraakiisha booliiska gobolka.

Ugu danbayna taliyaha ayaa bogaadiyey amaanka guud ee gobolka iyo sida markasta boolliiska ugu heenan yahiin amaanka.

LEAVE A REPLY