James Swan oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay ka hortegida musuq maasuqa

0
934

Isaga oo ka qeyb galayay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’ado isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka uu dalka ka sameeyay dhinacyadan.

“Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mr. Swan.

“Ayadoo taa la eegayo, Qaramada Midoobay waxaa dhiirigeliyey ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,” ayuu raaciyay. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.”

Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Dowladeed 11-kii Agoosto 2021, waa aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.

Qaramada Midoobayda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa. Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri Mr. Swan.

Guud ahaan caalamka, Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa laga xusayaa 9-ka Diseembar iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka.

Warbizin maalmo ka hor soo baxday ayaa qiimeyn la sameeyay waxaay Soomaaliya kaalmaha hore ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan wadamada Caalamka.

LEAVE A REPLY