Shiinaha Oo Kaalmo Milatari Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

0
572

Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federal-ka Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur ayaa ka gudoomay safiirka Shiinaha u fahiya Soomaaliya, Ambassador Fei Shengchoa kaalmo militari oo isugu jira gaadiid, Ambalaasyo, iyo qalab kale oo ah kuwa lagu baaro miinooyinka .

Xafladda la wareegidda agabka ayaa lagu qabtay dekaddda Muqdisho,waxaana ka soo qeybgalay madax ka socotay qeybaha kala duwan ee ciidamada .

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa xusay in taageeradan ay ku soo beegantay waqti munaasib ah marka loo eego dagaalka dawladda kula jirto Al- Shabaab, ayna u adeegsan doonto hawl-gallada ka dhanka ah kooxahaas.

“Waxan halkaan kula wareegaynaa kaalmo militari oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhinno dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, wasiirka ayaa Sidaas yiri.

taageerada Milatari ee shiinaha ayaa kusoo aaday xilli kalaguur ah, doorashadana ay dib u dhacday ku dhowaad hal sano iyo bar, taasoo keentay isku dhacyo ciidanka dhexdiisa ah iyo kala shakin madaxda sare ah, taas oo gaartay heer ay isku eedeeyaan afgambi.

Horay, Soomaaliya xilligii dagaalkii qaboobaa ee hardanku ka dhaxeeyay Mareykanka iyo Ruushka ayey heshiis militari la gashay Moskow, taasi oo sababtay in meesha ka baxdo dowladdii iyo dimuquraadiyaddii curdinka aheyd, sababtayna 21 sano oo keligii talis ah iyo 30 sano oo burbur ah.

Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateyn hubka ah taasi oo uu kusoo rogay golaha ammaanka ee qaramada midoobey January 1992.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY