Ruushka: Hadallada Biden waxay keenayaan inuu Go’o xiriirka Washinton Iyo Moscow

0
2167

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa u yeertay safiirka Mareykanka u fadhiya Moscow, John Sullivan, sababo la xiriira hadalladii madaxweyne Joe Biden ee ku aaddanaa dhiggiisa Vladimir Putin, oo uu ku tilmaantay inuu yahay dambiile dagaal.

“Hadalada caynkaan oo kale ah ee ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka oo aan ku habooneyn nin dawladeed oo heerkaas sare leh ayaa xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka qarka u saaran inuu burburo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Wasaaraddu waxay u xaqiijisay Sullivan in ficillada cadawtinimada leh ee ka dhanka ah Ruushka ay heli doonaan “jawaab adag oo adag.”

Kremlin-ka ayaa mar sii horreysay hadallada Biden ku tilmaantay “aflagaado shakhsiyeed” oo loo geystay Putin.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu aaminsan yahay in Putin uu yahay dambiile dagaal, sababtoo ah howlgalka militari ee dalkiisa ee ka dhanka ah Ukraine.

Hadalka Biden ayaa yimid maalin kadib markii aqalka senate-ka Mareykanka uu meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu doonayo in lagu taageero baaritaanka dambiyada dagaal ee Madaxweynaha Ruushka uu ka geystay howlgalkii militari ee Ukraine.

Ruushka ayaa tobanaan kun oo askari u diray Ukraine 24-kii Febraayo, hawlgal ay ku tilmaameen mid gaar ah oo lagu burburinayo awoodda ciidan ee dalka ay deriska yihiin, laguna ciribtirayo waxa uu ku tilmaamay “wadaniiyiinta khatarta ah”.

Iyaga oo ka jawaabaya hawlgalkaas milatari, reer galbeedku waxay ku soo rogeen Moscow cunaqabatayn ballaaran taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in ay isaga baxdo, waxayna ku dhawaaqeen balaayiin doolar oo gargaar milatari ah oo la siinayo Ukraine.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY