Joe Biden oo sheegay In Moscow Ay ka ku Howlantahay weerar dhanka internetka ah Ay ku qaado Mareykanka

0
556

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto xog sirdoon oo muujineysa khatarta dhanka Internetka ah ee Ruushka uu ku hayo Mareykanka.

Waxa uu intaa ku daray in Ruushku uu ka fiirsanayo inuu qaado weerar dhanka Internetka ah oo ka dhan ah Maraykanka, balse Washington ay adeegsan doonto “qalab kasta” si ay uga hortagto ugana jawaabto falkaasi.

Biden ayaa soo jeediyay in Moscow laga yaabo inay fuliso weerarradan internetka ee suurtagalka ah taas oo qayb ka ah kororka xiisada, ka dib cunaqabataynta lagu soo rogay Moscow ka dib duulaankii Ukraine.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in xiriirka Moscow iyo Washington uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

Mar sii horeysay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay weerar dhanka Internetka ah oo uu Ruushka ku soo qaado Mareykanka, isagoo xusay hadal uu jeediyay 24-kii Febraayo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo fal kasta oo uga yimaada dhanka Ruushka.

Bayaan uu Isniintii soo saaray, ayuu Biden ku sheegay in sirdoonka Ruushka ay qabanqaabinayeen dhawaanahaan weeraro dhanka Internetka ah halka Maraykankuna uu rumaysanyahay in “dawladda Ruushku ay eegayso fursadaha lagu weerarayo Mareykanka.

Biden wuxuu ugu baaqay shirkadaha Mareykanka inay “kor u qaadaan dadaalkooda si ay u adkeeyaan albaabadooda dhijitaalka ah.”

“Waxaad leedahay awood, karti, iyo mas’uuliyad aad ku wanaajiso amniga internetka iyo adkeysiga adeegyada muhiimka ah iyo tignoolajiyada Mareykanka ay ku tiirsan yihiin. Waxaan dooneynaa in qof walba uu ciyaaro doorkiisa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Biden wuxuu muujiyay in suurtagalnimada “dhaqdhaqaaqa internetka ee xumaanta leh ay keeni karto kharash dhaqaale oo aan horay loo arag sababtoo ah cunaqabataynta Ruushka ka dhanka ah ay soo rogeen quwadaha reer galbeedka.

Tan iyo markii ay bilaabatay xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Ukrain, caalamka ammaanka internetka ayaa isku diyaarinayay weerar ballaaran oo ka yimaada Ruushka.

Tusaalaha ay soo qaateen mas’uuliyiinta ayaa ah weerar lagu qaaday NotPetya, kaasoo Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in ay fuliyeen burcad taabacsan militariga Ruushka.

NotPetya ayaa faraha ka baxay sanadkii 2017, kaasoo horseeday burburka kumanaan shirkadood oo adduunka ah, waxaana uu geystay khasaare lagu qiyaasay 10 bilyan oo dollar.

In kasta oo Biden aanu si cad u oran, walaaca waxa uu u muuqdaa weerar saamayn kara qeyb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha Maraykanka.

Waxaan aragnay kacdoonkii sanadkii hore ka dhacay gobolka Xeebta Bari markii burcad-badeedd ay jareen dhuun shidaal.

Xaaladda ugu xun,  waa weerar weyn oo internetka ah oo lagu qaado Maraykanka ama xubin kale oo NATO kaas oo kicin karya Qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo la xiriira difaaca wadajirka ah.

Dhinaca kale, digniinta Madaxweyne Biden maaha mid la yaab leh, waxayna si fudud ku soo celinaysaa hindisaha “gashaantida” ee ay xukuumaddiisu bilowday bilo ka hor.

Dhanka kale, sirdoonka reer galbeedka ayaa kaalin weyn ka qaatay qiyaasitaanka waxa uu Ruushka damacsanyahay, sidaa darteed ereyada Biden waxay u badan tahay inay qaadaan culeys dheeri ah marka loo eego xaalada khilaafka sii kordhaya.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY