Muuse Biixi Oo u Digey Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed

0
448

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ka mamnuucday dadka ku nool halkaas inay ka qeybgeli arrimaha siyaasadda Soomaaliya, sida laga soo xigtay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Somaliland waxay sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono dadka lagu helo inay ka qeybgalayaan siyaasadda Soomaaliya.

“Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Mas’uul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

LEAVE A REPLY