Booliska Somalia oo War kasoo saaray dilka Carruurta Walaalaha ah

0
2205

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdo lagu dilay laba Carruur Walaalo ah oo ka dhacday Aaga Weeydoow degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho

Afhayeenka waxaa uu sheegay inay soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyada, kuwaas oo lagu haayo xarunta dembi Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dilkaas uu ka dambeeyo qof qoyska Reerka ka tirsan xilli ay soo baxayeen in uu dilay Nin qaba Hooyadood, wuxuuna sheegay in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska inay wadaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi u dhacay, isla markaana wixii kusoo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

LEAVE A REPLY