Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo Ka Socda Sudan

0
680

Khartoum waxaa shalay oo isniin ahayd ka dhacay duqeymo xagga cirka ah, qaraxyo iyo dab xooggan, inkastoo xabbad joojin cusub oo 72 saacadood ah lagu heshiiyey ciidamada iyo xoogaga taageerada degdegga ah, halka Qaramada Midoobay ay ka digtay in Sudaan ay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo lagana yaabo in boqolaal kun oo qof ay ka cararaan.

Wariyaha Al-jazeera ee Khartoum ayaa soo sheegay in diyaarado dagaal ay dib ugu laabteen magaalada Waqooyiga Khartoum, waxaana kahor yimid cutubyo ka tirsan lidka diyaaradaha oo ka tirsan ciidamada Taageerada degdega ah.

Qaraxyo waaweyn ayaa la maqlay, waxaana qiiq ka kacay dhanka waqooyi ee xaafadda Kafouri iyo agagaarka aagga Shambat iyo Al-Sababi ee Waqooyiga Khartoum, Hillat Khogli, iyo dhanka bari ee Jaziiradda Tuti ee Khartoum.

Weriyaha Al-jazeera ayaa sheegay in ciidamada cirka ee xoogga dalka ay duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga taageerada degdegga ah oo ku yaalla agagaarka deegaanka Halfaya ee waqooyiga Shambat ee magaalada Waqooyiga Khartoum.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu dhaqan galay heshiiskii lixaad ee labada dhinac ee dagaalamay, waxaana labada dhinac ay shalay ku heshiiyeen xabbad joojintan cusub oo soconaysa muddo 3 maalmood ah.

Dhinaca kale, Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa xaqiijiyey, sida uu Taliye ku-xigeenku u sheegay inay weli gacanta ku hayaan xarumaha Madaxtooyada, Idaacadda iyo Telefishanka, Garoonka Diyaaradaha ee Khartoum iyo xaafadaha ku dhow dhow.

Ciidamada Sudaan ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in xaaladda ay deggan tahay dhammaan gobollada dalka Sudaan, isla markaana ciidamadooda ay awoodeen in muddo 15 maalmood oo dagaal ah, ay hoos u dhigaan awoodda dagaalka ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah 45 ilaa 55%.

Ciidamada dalka waxay ku eedeeyeen Xoogaga Taageerada Degdegga ah in ay abaabuleen awoodo waaweyn si ay u afduubaan dawladda Sudaan, oo ay burburiyaan ciidamadeeda qalabka sida waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka ayaa sheegay in awoodooda ay gaarayso in ka badan 27,000 oo dagaalyahan ah, in ka badan 39,000 oo ka mid ah ciidamo cusub, 1,950 gaadiidka dagaalka ah, iyo 104 gawaarida gaashaaman, Iyo 171 baabuur oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca.

Dhankiisa, afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada Sudan, Sarreeye Guuto Nabil Abdullah, ayaa wareysi uu siiyay Al-jazeera ku eedeeyay in xoogaga Taageerada degdega ah ay gudaha u galeen guryaha saraakiisha ciidamada qalabka-sida, islamarkaana ay xabsiga dhigeen tiro qoysas kooda ka mid ah.

Dagaaladan dhiiga badan ku daatay oo galay todobaadkii sadexaad ayaa sababay in tobanaan kun oo reer Sudan ah ay u barakacaan wadamada dariska ah sida Masar, Chad iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa Isniintii ka digay in in ka badan 800,000 oo qof ay ka carari karaan Suudaan.

Filippo Grandi ayaa wuxuu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka: “Waxaan rajeyneynaa inaysan taasi dhicin, laakiin haddii ay rabshadaha joogsan waayaan, waxaan arki doonnaa dad badan oo ay qasab ku noqon doonto inay ka cararaan Sudaan iyagoo raadinaya ammaan.”

Dhinaca kale Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudaan, Volker Peretz, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in labada dhinac ee colaadda u dhexeyso ay ku heshiiyeen inay wakiillo soo diraan si ay u qabtaan wadahadallo laga yaabo in lagu qabto Saudi Arabia.

Volker Peretz wuxuu sheegay in wada xaajoodka marka hore diiradda lagu saari doono sidii loo samayn lahaa xabbad-joojin xasilloon oo la isku hallayn karo oo ay kormeerayaan goob-joogayaal maxalli ah iyo kuwo caalami ah, balse wuxuu iftiimiyay in qabanqaabada qabashada wadahadalladan ay weli socoto.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudaan ayaa wuxuu yiri: “Waa muhiim in labada dhinac lala xiriiro, lagana dhigo inay u hoggaansamaan xabad joojinta si looga gudbo dagaalka.”

Waxa uu intaas ku daray in hal arrin ay suurtogal noqon karto in la sameeyo taasoo ah in la kormeero heshiiska habad joojinta, oo ay la soconayaan gudi isugu jira Sudaan iyo shisheeye, Laakiin ugu horeyn taasi waa in laga wada xaajoodaa.

Wuxuu sheegay in wada-hadallada lagu xoojinayo xabbad-joojinta ay ka dhici karaan Saudi Arabia ama Koonfurta Suudaan, isagoo intaas ku daray in kulankan lagu qabto magaalada Riyadh ay fududaan karto marka loo fiiriyo dhanka saadka; Sababtoo ah waxaa xiriir dhow ka dhexeeya labada dhinac.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Saudi Arabia oo ku aadan suurtagalnimada in ay marti geliyaan wada hadalada u dhaxeeya wakiilada Al-Burhaan iyo Xamiid, sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Stephane Dujarric, oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhacdooyinka Sudaan ay ku socdaan si aan hore loo arag oo xawli ah, isagoo muujiyay sida uu uga walaacsan yahay.

Wuxuu intaas ku daray in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu go’aansaday inuu si degdeg ah ugu diro gobolka madaxa hay’adda bini’aadantinimada ee hay’adda Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, iyadoo la eegayo sida xawliga ah ee ay uga sii darayso xaaladda bini’aadantinimo ee Sudaan.

Martin Griffiths ayaa xaqiijiyay inuu u socdo gobolka si uu u darso qaabka gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa, iyadoo la tixgelinayo in xaaladda bini’aadantinimo ay ku dhowdahay meel aan laga soo laaban Karin.

Wuxuu ka digay in bililiqada xafiisyada iyo bakhaarada hay’adaha samafalka ay xaalufiyeen inta badan keydkeena.

Dal ay ku nool yihiin saddex meelood meel dadkiisa ay gaajo la ildaran yihiin ka hor inta uusan dagaalku dillaacin, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa go’aansatay in ay si degdeg ah howlaheeda u bilowdo, kaddib markii ay shaqada ka joojisay kaddib markii 3 ka mid ah shaqaalaheeda la dilay maalmihii ugu horreeyay ee colaadda.

Dhibaatada caafimaad ee Sudaan la soo deristay ayaa jirtay kahor intii aanay dagaaladu dhicin waxayna isku badeshay musiibo dhinac kasta ah, waa sida uu sheegay agaasimaha gobolka ee WHO ee bariga Mediterranean-ka, Ahmed Al-Mandhari.

Si kastaba ha noqotee, Dagaallada ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 528 qof iyo 4,599 dhaawac ah, sida laga soo xigtay tirokoob ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Sudaan Sabtidii, khasaaraha waxay u badan tahay inay istaas ka sii badan tahay.

Iyadoo colaadda ay gashay todobaadkii saddexaad, ayaa Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ay Axaddii u suurtagashay in ay shixnad gargaar bini’aadannimo ah ku gaarsiiso magaalada Port Sudan oo 850-km bari ka xigta magaalada Khartoum.

Guddiga ayaa sheegay in shixnaddan ay isugu jiraan qalab qalliin oo lagu taageerayo isbitaallada Suudaan iyo dad mutadawiciin ah oo ka tirsan hay’adda bisha cas ee Suudaan kuwaasoo daryeel caafimaad u fidiya dhaawacyada ku dhaawacmay dagaallada, balse waxay sheegeen in shixnaddan ay ku filnaan doonto oo keliya in lagu daweeyo 1,500 oo dhaawac ah.

Dagaalada waxay sababeen barakac gudaha iyo dibadda ah. Sida laga soo xigtay qiyaasaha Qaramada Midoobay, 75,000 oo qof ayaa u guuray qaybo kale oo Sudaan ah oo nabdoon, ugu yaraan 20,000 waxay u gudbeen Chad, 6,000 waxay u gudbeen Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo kuwa kale oo u gudbay Itoobiya iyo Koonfurta Sudaan.

Si kastaba ha noqotee, Isku dhacyada ayaa saameeyay 12 ka mid ah 18-ka gobol ee dalka Sudan oo ay ku nool yihiin 45 milyan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

Daadgureynta ayaa wali socota:

Maalmihii la soo dhaafay, wadamo badan oo reer galbeed ah iyo kuwo Carab ah ayaa soo daad gureeyay muwaadiniintooda iyadoo ay barbar socoto dadaallo diblumaasiyadeed oo xal loogu raadinayo.

Labo markab oo laga leeyahay Mareykanka iyo Saudi Arabia ayaa Isniintii gaaray Boqortooyada Saudi Arabia, kuwaasoo siday ku dhawaad ​​500 oo qof oo rayid ah oo dhowr dhalasho kala heysta, sida laga soo xigtay ilo wareedyo Saudi Arabia ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in in ka badan 700 oo qof ay ka daad gureeyeen Sudaan saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Saddex kolonyo Mareykan ah ayaa gaaray Port Sudan tan iyo sabtidii si ay u daabulaan in ka badan 700 oo muwaadiniin Mareykan ah, qoysaskooda, iyo muwaadiniinta dalalka xulafada la ah, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka wasaaradda.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka bartamihii bishii la soo dhaafay ee April, Mareykanka wuxuu in ka badan kun muwaadin Mareykan ah ka raray Sudaan, wuxuuna sheegay afhayeenka in shaqaalaha safaaradda iyo qoysaskooda ay si toos ah uga soo daad gureeyeen magaalada Khartoum ciidamada Mareykanka.

LEAVE A REPLY