Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Shiinaha Oo Booqasho Aan Horey Loo Shiin Ku Tagay Hindiya Tan Iyo Markii Labada Waddan Ay Dhexmareen Dagaallo Xadka Ah

0
541

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi uu dhiggiisa Hindiya kula kulmi doono New Delhi maanta oo jimco ah ka dib markii uu halkaasi uu ku tagay booqasho aan la shaacin, taasoo noqonaysa tii ugu horreysay tan iyo markii ay isku dhaceen labada dal sannadkii 2020-kii markaas uu xiriirka labada wadan xumaaday.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Wang uu la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Subramaniam Jaishankar isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wang ayaa lagu wadaa inuu booqdo Nepal galinka dambe ee maanta.

Labada dhinac midkoodna ma shaacin booqashada ka hor inta uusan Wang imaan New Delhi goor dambe khamiistii ahed.

Wakaalada wararka ee Asia, ayaa soo bandhigtay muuqaal Wang oo ka baxaya madaarka rayidka ee ma aha xarunta milatari ee u dhow oo ay ka soo degaan inta badan hogaamiyayaasha ajaanibta ah.

Wang ayaa ka carooday dowladda Hindiya booqashadiisa ka hor, sababtoo ah hadal uu ka jeediyay Pakistan toddobaadkan oo ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir ee u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Shiinuhu guud ahaan waxa uu taageeraa xulafada Pakistan.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Hindiya ayaa xumaaday ka dib isku dhacyo xuduudeed bishii June 2020-k ka dhacay gobolka Ladakh oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah iyo 4 askari oo Shiinees ah.

Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan xiisadda xuduudka iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Hindiya iyo Shiinaha labaduba waxay Ruushka u arkaan dal ay saaxiibo yihiin waxayna diideen baaqyada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Booqshada Wang Yi ee Hindiya ayaa ku soo aadeysa xili shalay uu booqasho ku tagay Kapul ee dalka Afgaanistaan sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliban, toddobaad ka hor inta aysan Beijing martigelin shirka dalalka deriska la ah Afgaanistaan, si looga wada hadlo sidii loo caawin lahaa ka dib markii Taaliban ay la wareegtay awoodda.

Sarkaal ka tirsan xukuumadda Taalibaan oo lagu magacaabo Axmed Yaasir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa u yimid magaalada Kabul si uu ula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Imaarada Islaamiga ah”.

Wasiirka Shiinaha ayaa Kabul ka soo kicitimay isagoo ku wajahnaa Pakistan, halkaas oo uu kaga qayb galay shir socday laba maalmood oo ururka iskaashiga Islaamka ay la haayeen.

Shiinaha ayaa la wadaaga Afgaanistaan ​​qayb yar oo ka mid ah xuduudka, dhererkeeduna waa 76 kilomitir oo joog aad u sarreeya ah laakiin Beijing waxay muddo dheer ka baqaysay in deriskeeda ay saldhig u noqoto gooni-u-goosadka iyo Islaamiyiinta Qaranka Uyghur.

Kahor inta aysan Talibanka qabsan awooda 15-kii Ogosto, Beijing waxay dooneysay inay sii wadato xiriirka ay la leedahay dhaqdhaqaaqa markii ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxayeen Afgaanistaan.

Booqashadiisa Hindiya ayaa ku soo aadeysa xilli Hindiya iyo Shiinaha ay ku heshiiyey in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka lagu muransan yahay ee galbeedka Himalayas, wasiirka gaashaandhigga Hindiya Rajnat Singh ayaa sheegay in dadaalka ugu weyn ee lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka tan iyo markii uu dagaal dhiig badani ku daatay uu ka dhacay xadka bishii June ee la soo dhaafay.

Khudbad uu maanta oo Khamiistii ka hor jeediyay Baarlamaanka, ayuu wasiirku ku sheegay in labada dhinac ay heshiiska gaareen, kaddib wadahadallo dhowr ah oo dhexmaray hoggaamiyeyaasha ciidamada iyo dublamaasiyiinta labada dal.

“Wadahadallada aan la leenahay Shiinaha waxay horseedeen heshiis ah in laga go’o waqooyiga iyo koonfurta xeebaha Pangong,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in marka la soo gabagabeeyo kala qaadista ciidamada oo Arbacadii ka bilaabmay gobolka,ay madaxda ciidamadu ku kulmi doonaan muddo 48 saacadood ah, si ay uga hadlaan ka bixitaanka deegaannada kale.

Wasiirka India ayaa ku macneeyay in xaaladdu ay ku soo noqon doonto sidii ay ahayd ka hor inta uusan qarxin iska hor imaadka sanadkii hore, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisa uusan wax tanaasul ah sameyn.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Canada ay ku wargelisay Beijing in dhaq-dhaqaaqa ciidamadeedu ay si weyn u dhaawaceen nabadda iyo xasilloonida gobolka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu burburay.

Horaantii, afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha, Wu Qian, ayaa ku sheegay hadallo kooban, Arbacadii, in ciidamada jiidda hore ee labada dhinac la kala qaaday kuwaas oo lagu celiyay goobahoodii.

qalalaasahan ayaa bilaabmay bishii Abriil ee sannadkii hore, markii Hindiya ay sheegtay in ciidamada Shiinuhu ay gudaha u galeen dhinaca New Delhi ee khadka tooska ah ee gobolka Ladakh ee galbeedka Himalayas.

Beijing ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ka howlgalayeen dhulkeeda, waxayna ku eedeysay ilaalada xadka Hindiya falal daandaansi ah.

Xaaladdu waxay soo shaacbaxday bishii June, markii ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah iyo tiro aan si rasmi ah loo shaacin oo ciidamada Shiinaha ah lagu dilay iska horimaad ka dhacay gobolka Ladakh, kaas oo ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee labada dal dhex mara muddo 45 sano ah.

Labada waddan ee ugu dadka badan adduunka ayaa markii dambe tobanaan kun oo askari oo dheeraad ah u diray xadka.

 

Isku dhacii ugu dambeeyay ee labada dal dhex mara waxa uu ahaa Blitzkrieg 1962-kii, kaas oo ku dhamaaday jab degdeg ah oo soo gaaray ciidamada Hindiya. Labada dal ayaa muddo dheer midba midka kale ku eedeeynayay inuu doonayo inuu ka gudbo xadka, kaasoo aan si rasmi ah loo calaamadin gobolka Ladakh, ee ka baxsan Tibet.

Hindiya iyo Shiinaha waxay wadaagaan xuduud dhererkeedu dhan yahay 3,500 oo kiilo mitir, murannada ayaa ka dhacay dhowr meelood, oo ay ku jiraan Aksai Chin, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Tibet iyo galbeedka Shiinaha oo ku xiga dooxada Galwan, iyo gobolka Nakula ee bariga fog.

Sida uu qabo xeer soo jireen ah si looga fogaado iska hor imaad ciidan, labada ciidan midkoodna looma ogoleyn inay xadka u isticmaalaan hub.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY