Ukraine Oo Badbaadineysa Somalia!

0
541

Xilli meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ay kajirto abaar baahsan oo saameysay dad iyo Duunyo ayaa waxaa jira dalal dhowr ah oo sheegaya inay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameeynao dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka ay dagaalada ka socdaan ee Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in 28,600 oo tan oo Qamadi ah uu dalkiisa todobaadyada soo socda gayn doono Soomaaliya oo halis ugu jirta in macluul darran ka dhalato abaarta kajirta.

Dowladda Ukraine ayaa dhawaan billowday in qamadiga dalkeeda kasoo go’a loo daabulo dunida si wax looga qabto gaajada ku habsatay dalalka Afrika kuyaalla iyo qeybo kamid ah Aasiya oo ku tiirsan qamadiga dibadda.

Dhawaan sidoo kale shixnadii ugu horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa waxaa la keenay dalka Jabuuti, iyadoo loogu talo galay Jabuuti iyo Ethiopia in loo qeybiyo gargaarkaas, iyadoo lagu soo daabulay maraakiib toos uga yimid dekedaha dalka Ukraine.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay saadaalisay macluul inay Soomaaliya ku dhufan karto dhamaadka sanadkan 2022, halka dowladda Mareykanka dhankeeda ay sheegtay ina ka walaacsan tahay macluusha loo saadaaliyay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY