Ruushka oo isku dayaya riditaanka gantaalada xambaari kara nukliyeerka

0
414

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Ruushka ay u dhameystirmeen gantaalada qaadi kara madaxyada Nukliyeerka ee Kaliningrad, oo ku taal badda Baltic-ga ee u dhaxaysa Poland iyo Lithuania.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro dhoolatuska militariga ee Kaliningrad, ciidamada Ruushku ay u ekaadeen “hawlaha elektarooniga ah” si ay u bilaabaan nidaamka gantaalaha ballistic Iskanderka ah ee awood u leh in ay qaadaan madaxyada nukliyeerka, waxayna qaadeen weeraro badan oo lagu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo  garoomada, hawada kaabayaasha la ilaaliyo, qalabka militariga iyo xarumaha taliska cadowga mala-awaalka ah.

Ku dhawaaqista jilitaankan ayaa ku soo beegantay maalintii 70-aad ee bilawga dagaalka Ruushku ku hayo dalka Ukraine, waxaanay Ruushku heegan sare galiyeen ciidamadooda Nukliyeerka ah ka dib markii ay ciidamadooda u soo direen dalka Ukraine 24-kii February.

waxaana madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku hanjabay inuu ku aargudan doono “xawaaraha hillaaca”. haddii faragelin reer galbeed ahi  soo kala dhex gasho dagaalkii Ukraine.

Sida lagu sheegay bayaanka, oo la daabacay shalay oo Arbaco aheyd, ciidamada Ruushku waxay sameeyeen dhaqdhaqaaq ay ku bedelayaan goobtooda si ay uga fogaadaan “gadood aargoosi ah oo suurtagal ah”, cutubyada dagaalkuna waxay fuliyeen sawirro “hawlgallo hoos yimaada xaaladaha sunta shucaaca iyo kiimikada” , waxaana dhoolatuskaas ka qayb qaatay in ka badan 100 askari.

Waxaa xusid mudan in Telefiishanka Ruushku uu bishii na dhaaftey soo bandhigay barnaamijyo dhowr ah oo looga hadlayo adeegsiga hubka Nukliyeerka ah ee ka dhanka ah dalalka Yurub.

Marqaati.com

 

 

LEAVE A REPLY