Qorshaha Weerarka Canfarta Ee Deegaanka Soomaalida

0
519

Wararka naga soo gaarayo dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in ay deegganno ka tirsan gobolka siti ee dowlad deegaanka ay dhac iyo boob ay ka geeysteen maleyshiyo Canfar ah.

Ciidamo la sheegay in ay yihiin canfar ayaa weeraro ku soo qaaday deegganno ka tirsan gobolka siti, waxaana wararka ay sheegayaan in ay la wareegeen inta badan deegannada hoostaga gobolka, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida.

Deegaanka Cudayti  ayaa la soo warinaya in malayshiyada oo gudaha u gashay ay ka barakiciyeen dadki deegaanka sidoo kalena ay dileen shacab halkaas ku sugan.

Sawiro iyo muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya Canfarta oo deeganka Cudayti ku damaashadeysa, xilli ay furteen gaadiid iyo hub fara baan.

Mohamed Abukar Kulmiye
Marqaati.com

LEAVE A REPLY