Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Safiirka Imaaraadka?

0
534

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.

labada mas’uul ayaa waxaa ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyada oo ay jirtay in Afartii sano ee la soo dhaafay uu mad madow ka dhex jiray labada dowladood.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Danjire Maxamed Axmed Alcuthman kala hadlay sidii dowladda Imaaraadka Carabta qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble sida uu u qaabilay, isaga oo u cadeeyay inay wadi doonaan dadaalkooda ku aadan xal u helida mushkilada ka taagan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY