Lacago Xad Dhaaf Ah Oo Lagu Soo Dalacay Shacabka Muqdisho

0
564

Shirkadaha Korontada ee magaalada Muqdisho ayaa si isku mid ah waxay lacag xad dhaaf ah kusoo dalaceen macaamiishooda, waliba lacag ka badan Saddex laab intii ay macaamiisha isticmaali jireen, waxaana guud ahaan reer Muqdisho noqdeen kuwo aad uga qeyla qaada arrintan, saameynteedana waxaa laga dareemay baraha bulshada.

Shirkadaha korontada ee Beeko, Blue Sky & Muqdisho Power ayaa xisaabta bishii April ku dalacay macaamiishooda lacag badan, iyadoo aanay jirin isbedal ku saabsan qiimaha korontada oo horay shacabka loo ogeysiiyay ama in dadku isticmaaleen wax ka baxsan qalabkii ay korontada u adeegsanayeen.

Shirkadaha Beeko iyo Blue SKY ayaa noqday kuwo ugu sarreeya qiimaha shacabka lagu soo dalacay, iyadoo dadka qaar oo isticmaali jiray lacag la siman 10 ilaa 15 doolar lagu soo dalacay lacag ka badan 60 doolar, halka maamiisha qaar lagu soo dalacay lacag ka badan 100 doolar.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo aan arrintaan kala sheekeystay waxay sheegeen in la yaab ay ku noqotay markii biilashooda sare loo qaaday, shirkaduna aanay wax qiil ah u sameyn arrintan, kuna ammartay iney lacagahaasi bixiyaan iyadoo aan la sameyn baaritaanno iyo waliba sababta guud ahaan si isku mid ah shacabka lacagaha loogu qaaliyeeyo.

Shirkadaha aan kor kusoo xusnay waxay dadka ugu goodiyeen iney korontada ka jaranayaan haddii aanay lacagta iska bixin, taas oo muujineysa ineysan u jeedin dowlad kula xisaabtanto dhibka ay bulshada ku hayaan.

Korontooyinkooda oo aan lahayn tayo iyo koontarool, oo mararka qaar si awood ah loo sii daayo xoog koronto oo sababi kara gubasho qalab ama guri ayaa hadana waxa ay ku dhaqaaqeen bishaan waxay noqon doontaa tijaabo lagu ogaanayo dulqaadka shacabka Muqdisho, haddii aysan ka falcelinna waxay la kulmi doonaan lacagahan iyo kuwo ka badan in lagu soo dalaco bil walba, walibana iyaga oo raali ku ah.

Maadaama shirkadaha korontada ee ka shaqeeya dalka, gaar ahaan caasimadda ay yihiin kuwo si gaar ah loo leeyahay, hadana waxay dowladda federaalka xaq u leedahay jaan goynta qiimaha korontada halkii Kilo Watt iyadoo lagu saleynayo sicirka shidaalka ee dunida.

Xiriir aan la sameeyay mas’uuliyiinta shirkadahan ayaan ii suurtagelin si aan wax uga weydiiyo waxa sababay kororka xad dhaafka ah ee isticmaalka bishii April oo aanay jirin wax ay uga duwaneyd bilihiii kale ee lasoo dhaafay, marka laga eebo iney bishaasi ku beegnayd Ramadan.

Shacabka Muqdisho waa kuwo kaliya ee ugu dulqaadka badan dalka, sababtoo ah waxaa mar walba xuquuqdooda isaga tunta qaar ka mid ah hay’adihii dowladda oo aanay ka hadlin, iyaga oo canshuur bixiya oo aanay adeeg wanaagsan ku haysan dowladda iyo shirkadihii gaarka loo lahaa dhaqamada noocan iyo kuwa kel oo badan kula dhaqma.

Maxaa looga baahan yahay dowladda federaalka

Dowladda  federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xukuumadda dan qaran waxaa arrintan ka saaran waajib weyn, maadaama shacabka oo dhan ay cabasho muujinayaan, sidoo kalena aanay awoodin in korontada iska saaraan iney xukuumadda la xisaabtanto shirkadaha korontada iyo waliba adeegyada ay bixinayaan.

Maadaama xukuumadda ay isbedal weyn ku sameysay qiimaha lagu aadayey Xajka oo hoos loo dhigay qiimaha, si taas la mid ah waxay falanqeeyaasha dhanka maaliyadda qabaan in xukuumaddu ka fariisato arrimahan, guddi u saarto walibana la jaangooyo qiimaha lagu xisaabinayo Halkii Kiilo Watt.

Xukuumadda Xamse oo bilowday iney dib u eegto cabasho walba oo ay qabaan shacabka, waxa hadda laga sugayo ayaa ah in shirkadaha Koronto ee gumaadka ku haya shacabka ka dulqaaddo, walibana gacan adag lagu xisaabiyo, dib u eegis kalena lagu sameeyo canshuurta laga qaado.

Dhanka kale, maamulka gobolka Banaadir isna waxaa waajib uu ka saaran yahay in dhammaan shirkahadaha korontada kula xisaabtamo ifinta magaalada oo waajib ku ah, maadaama baalayaal tiro badan ay magaalada oo dhan surteen  ilaa xaafadaha, walibana aysan ogoleyn iney ku xiraan leer am anal.

Shikadaha qaar oo deggan xarumihii dowladda, sida xaruntii eeneeyo ayaa  guddoomiye Madaale looga baahan yahay iney ka qaadaan xuquuqda dalka ku leeyahay, gaar ahaan magaalada ay ka shaqeeyaan ee Muqdisho.

Haddii aanay dowladda federaalka gaar ahaan heer Xukuumad illaa heer degmo aanay la xisaabtamin shirkadahan, lacagaha u muuqda baadda laga joojin, magaaladana aanay ifin waxay u muuqan doontaa in dowladda qudheeda ay raali ka tahay dhibaatada shacabkeeda lagu hayo.

LEAVE A REPLY