Kuuriyada Koonfureed: Pyongyang ayaa ridday gantaal ballistic ah oo qaaradaha isaga gudba

0
466

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa ku dhawaaqay in gantaalkii ay ridday Kuuriyada Woqooyi horraantii Khamiista uu ahaa gantaal ballistic ah oo qaaradaha isaga gudba, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay oo Pyongyang ay adeegsato hub noocaas ah tan iyo sannadkii 2017-kii.

Moon waxa uu sheegay in arinkaani uu jabiyay hakinta gantaallada balaastikada ah ee isaga kala goosha qaaradaha, waxa uuna si kulul u cambaareeyay gantaalkii ugu dambeeyay ee ay tijaabisay Pyongyang.

Waxa uu sheegay in riditaanka gantaalka “uu khatar weyn ku yahay gacanka Kuuriya, gobolka iyo beesha caalamka,” isag oo arinkaas ku tilmaamay “xadgudub qaawan” oo lagu sameeyay go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Daah-furka tijaabadan ayaa qayb ka ah tijaabooyin taxane ah oo in ka badan 10 ay samaysay Kuuriyada Waqooyi tan iyo bilowgii sanadkan.

militariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday wax laga yaabo in uu yahay gantaal ballistic ah oo laga yaabo in ay ka ridday xeebaha bari.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap ayaa ka soo xigatay taliyaha guud ee ciidamada dalkaasi inay ogaadeen soo rididda gantaal aan xadiid la heyn oo ka yimid Kuuriyada Waqooyi oo la rumaysan yahay inuu yahay gantaalkaan midka ridada dheer oo iskaga gudba qaaradaha.

Pyongyang waxa ay go’aansatay in ay iskeed u joojiso tijaabinta  gantaallada qaqradaha iskaga gudba iyo hubka nukliyeerka tan iyo markii hogaamiyaheeda Kim Jong Un uu bilaabay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo heerkoodu sarreeyo, gaar ahaan kulankii uu la yeeshay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sandkii 2018-kii.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada ayaa markii dambe burburay, dadaalladii dublomaasiyadeedna waa ay burbureen, inkastoo uu isku dayay maamulka madaxweyne Joe Biden horraantii 2021, inuu u soo bandhigo Pyongyang inay ku lug yeelato wareegyo cusub oo wadatashi ah.

Inkasta oo cunaqabatayn adag oo caalami ah lagu soo rogay, hadane Kuuriyada Waqooyi waxa ay hore ugu dhaqaaqday casriyaynta awoodeeda ciidan.

16-kii Maarso, Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday wax loo malaynayay inuu yahay gantaal, kaasoo qarxay wax yar ka dib markii uu ka kacay cirka Pyongyang, milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay jireen warar sheegayay in Kuuriyada Waqooyi oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka ay doonayso inay tijaabiso gantaalkeedii ugu weynaa ilaa iyo hadda.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ka digay in laga yaabo in Pyongyang ay isku diyaarinayso inay tijaabiso gantaal balaastig ah oo ah nuucda qaaradaha is kaga gudba markii ugu horreysay tan iyo 2017, lagana yaabo inay hoos u dhigto hawada sare ee dayax gacmeedka.

Tijaabada maanta oo Khamiis ah ayaa noqon doona ugu yaraan tijaabadii 13-aad ee gantaalaha ballistic-ga ah ee Kuuriyada Waqooyi ay ti jaabiso sanadkan gudahiisa, taasoo ah xawli aan horay loo arag oo soo jiidatay cambaareyn ka timid Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY