Istanbul Oo Maanta Ay Ka Bilaabanayaan Wadahadallada Ruushkha Iyo Ukraine

0
447

Wadahadaladii u horeeyay ee toos ah oo u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka muddo ka badan laba toddobaad ayaa lagu qabanayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo aan rajo laga qabin in la gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka Moscow ay ku qaaday deriskeeda kaas oo socda muddo bil ka badan.

Isniintii wufuudda Ruushka iyo Ukraine ayaa gaaray Istanbul, waxaana la filayaa in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu kulan gaaban la qaato ka hor kulankooda oo ka dhacaya Qasriga Dolmabahce.

Qabashada wadahadaladan ayaa yimid kadib markii Erdogan uu Axadii la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Erdogan waxa uu shalay yiri “Fursad kasta waxaanu kula talinay dhinacyada inay nabadda qaataan, xilli qof kastaa uu daandaansi ka daba ordayey, haddana waxaanu nahay dalka intii karaankiisa ah ku dadaalaya tubta nabadda oo ah dalka keliya ee daacadnimadiisa iyo saaxiibtinimada labada dhinacba ay ku kalsoon yihiin.”

Saraakiisha Ukraine ayaa hoos u dhigay fursadaha ah in guul weyn laga gaari karo wadahadalladan, lataliyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine Vadim Denisenko ayaa sheegay Isniintii inuusan fileynin in wax horumar ah laga gaaro arrimaha muhiimka ah.

halka, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba uu sheegay in waxa dalkiisa uu inta badan ku taamayo ay tahay “in lagu heshiiyo xabbad joojin.”

“Waxa ugu yar ayaa noqon doona arrinta bini’aadantinimo, waxaana ugu badnaan laga gaari doonaa heshiis xabbad-joojin ah,” Kuleba ayaa ku yiri hadal uu siiyay telefishinka, mar wax laga weydiiyay waxyaabaha la filayo  wareeggan wadahadallada ah.

Dhankiisa, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Putin uusan u muuqan mid diyaar u ah inuu sameeyo tanaasul si loo joojiyo dagaalka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo, “Waxa aan arkay waxa ay muujinayaan in isaga (Putin) aanu diyaar u ahayn in uu tanaasul ka sameeyo heerkan”. Ayuu yiri sarkaan.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo xabbad joojinta bini’aadantinimo ee Ukraine si loogu oggolaado wada xaajood siyaasadeed oo dhab ah iyo heshiis nabadeed oo ku salaysan mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

“Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in aan waydiistay isku-duwahayaga bini’aadantinimo ee caalamiga ah (Martin Griffiths) in uu si degdeg ah u sahamiyo heshiisyada suurtagalka ah iyo qabanqaabada xabbad-joojinta bini’aadantinimo ee Ukraine,” ayuu Guterres ku yiri bayaan uu ku siiyay saxafiyiinta Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Waxa uu intaa ku daray in dagaalka Ruushku uu ku hayo Ukraine ay tahay in uu joogsado sababtoo ah waxa uu horseeday dhimashada kumanaan qof, barokaca 10 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur iyo “burbur baahsan oo kaabayaasha aasaasiga ah soo gaaaray, sida cuntada iyo tamarta oo cirka isku shareertay qiimaha adduunka oo dhan.” Ayuu yiri Guterres.

24-kii February, Ruushku waxa uu hawlgal millatari ka billaabay dalka Ukrain, kaas oo ay ka danbeeyeen falcelin caalami ah oo caro leh iyo cunaqabatayn dhaqaale iyo mid maaliyadeedba lagu soo rogay Moscow.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY