Hoggaamiyaha TPLF oo hanjabaado hor leh u soo diray dowladda Itoobiya

0
424

Hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, ayaa sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

Afhayeenka TPLF wuxuu sheegay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ka geysteen magaalada Maqale oo ay dad rayad ah waxyeeloobeen.

Dowladda Itoobiya ayaa dhanka kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan TPLF, OLA iyo BPLF oo damcay iney xadka sudaan ka tallaabaan ay ciidamadooda qalabka sida ka hortageen.

Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

Afhayeen TPLF Getache Reda ayaa qoraal uu bartiisa Faceebook soo dhigay ku sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee Itobiya ay xalay duqeymo ka geysteen magaalada Maale.

Wuxuuna intaa ku daray duqeyta diyaaradaha drone-ka iney iyagu caadi u tahay daqiiqado ka hor lafteeda ay kor heehaabayeen.

Taliyaha booliska deegaanka Benishaangul ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada jabhadaha ay si wada jir ah uga hortagaan ciidamada federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka Benishangul.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka billaawday 13 bilood ka hor ayaan weli u muuqan mid xal waara laga gaaray.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey fallaagada TPLF guulo tira badan ayey dagalka ka soo hoyayeen iyaga oo dhul badanna qabsaday.

Balse labadi toddobaad ee u dambeeyey ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abiy Axmed ayaa la wareegay deegaanno badan.

LEAVE A REPLY