Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Wacad Ku Maray In Uu Dhisi Doono Cudud Militari Oo Aad U weyn

0
617

 

 

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa wacad ku maray in uu dhisi doono “cudud militari oo xad dhaaf ah” oo aan la joojin karin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda  maanta oo Isniin ah.

Hadalka Kim ayaa imaanaya kaddib markii saddex maalmood ka hor la riday gantaalka riddada dheer ee qaaradaha isaga kala goosha, waana tijaabadii ugu horreysay ee noociisa ah tan iyo sannadkii 2017-kii, oo uu sameeyo waddanka ku hubeysan hubka Nukliyeerka.

“Tijaabada cusub ee gantaalka Hwasong-17 ee ciidamada istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi waxaa la sameeyay 24-kii Maarso isagoo si toos ah u hagayo Kim Jong Un,” Wakaaladda Wararka Dhexe ee Kuuriyada Waqooyi ayuu sidaas sheegtay.

“Kaliya marka qofku uu ku qalabaysan yahay awood weerar oo aad u badan oo aan cidina joojin karin” waddanku wuxuu hayn karaa oo xakameyn karaa dhammaan hanjabaadaha iyo mad-madowga Imbaraadooriyadda,” Kim ayaa laga soo xigtay warkaan isagoo u sheegay kooxda la soo bandhigtay gantaalka.

“Waan sii wadi doonnaa inaan gaarno hadafka ah xoojinta awoodda difaaca qaranka,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Gantaalka Hwasong-17 waa gantaal ballistic ah oo aad u weyn oo loogu magac daray “Gantaalka Monister”, kaasoo markii ugu horreysay la shaaciyay Oktoobar 2020, laakiin aan weli si guul leh loo tijaabin.

Gantaal ballistic ah oo awood u leh inuu garaaco qayb kasta oo ka mid ah dhulka Mareykanka ayaa ku dhacay aagga dhaqaalaha badda ee Japan.

Kim Jong Un waxa uu sheegay sida ay wakaaladdu sheegtay in gantaalka cusub ee ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba uu “adduunka oo dhan ka dhigi doono in ay garwaaqsadaan xoogga ciidankeenna istaraatiijiga ah,” isaga oo ku nuuxnuuxsaday in waddanku “hadda diyaar u yahay muddo dheer ka dib iska hor imaadyada isbalaarinta Mareykanka”.

Pyongyang waxaa saaran cunaqabatayn caalami ah oo ku saabsan gantaalada iyo barnaamijkeeda nukliyeerka, laakiin si kastaba ha ahaatee waxay sii wadaa inay casriyeyso awoodeeda militari.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxay bilowday inay si maldahan u muujiso suurtagalnimada in laga tanaasulo is-waydiinta tijaabooyinka waxayna sannadkan samaysay tijaabooyin hub ah oo tiro badan, oo ay ku jiraan gantaallada hawada sare iyo gantaallada riddada dhexe.

Laakiin tijaabada weli laguma darin gantaalada ICBM-yada, xitaa haddii Washington iyo Seoul ay tuhunsan yihiin in taliska Kuuriyada Waqooyi uu tijaabiyay ICBM-yadii hore ee tijaabooyinka.

Xukuumadda Washinton ayaa cambaareysay tijaabadii ay Kuuriyada Waqooyi khamiistii ku tijaabisay gantaalka ballistic-ga ee qaaradaha isaga, Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday in ay kaga jawaabtay dhowr gantaal oo ay ku tijaabisay fariin ay u dirtay deriskeeda Kuuriyada Waqooyi in ay si buuxda u diyaargarowday.

“Daahfurka arrintani waxay ka dhigan tahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay dhowr qaraar oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, si aan loo baahnayn waxay kordhinaysaa xiisadda waxayna halis gelinaysaa xaaladda ammaan ee gobolka,” ayay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Psaki waxa ay intaa ku dartay in albaabku uusan xirnayn marka loo eego dhinaca dublamaasiyadda, balse ay tahay in Kuuriyada Waqooyi ay si degdeg ah u joojiso falalka xasilooni-darrada ah ee ay waddo, ayay tiri.

Dhinaca kale, Tijaabadani waxa ay keentay in Kuuriyada Koonfureed ay riddo gantaallo aad u tiro badan “kuwaas oo laga soo ridayo dhulka, badda iyo hawada”, waxaanay Taliyeyaasha guud ee Ciidamada ku sheegeen bayaan ay soo saareen in khibraddaasi ay xaqiijinayso in ciidankeedu leeyahay diyaar ayaan u nahay in la qaado weerar sax ah oo lagu qaado goobaha gantaalada laga soo tuuro, taliska iyo xarumaha taageerada iyo bartilmaameedyada kale weeraradaas oo lagu qaado  Waqooyiga Kuuriya haddii loo baahdo.

Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in tijaabada lagu sameeyay waxa loogu yeero “gantaalka bahalnimada ah” ama “Hwasong-17”, inuu yahay nidaam cusub oo ICBMs ah oo aan horay loo soo saarin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tan iyo sannadkii 2017-kii xayirtay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha iyo hubka Nukliyeerka, balse waxay ku tilmaantay hubkaas mid lagama maarmaan u ah inay isdifaacdo, waxayna sheegtay in wada-xaajoodka Mareykanka uusan ahayn mid dhab ah ilaa inta Washington iyo xulafadeeda ay sii wadaan “siyaasadaha colaadeed” sida cunaqabateynta iyo dhoola-tusyada Militari.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY