Heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Israel iyo kooxaha Gaza

0
542

Ilo Falastiini ah ayaa daaha ka qaaday in Israel ay ogolaatay heshiis xabad joojin ah kaddib markii qaraxyo xooggan ay ka dhaceen Marinka Gaza, iyadoo Israel ay markale duulaan ku qaaday fariisimaha kooxaha Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay inay weerar cirka ah ku qaadeen marinka, goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo xilli diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay dul heehaabayeen hawada sare.

Warbaahinta falastiin ayaa ku warantay in qaraxyo ay ka dhaceen dhowr goobood oo ku yaala marinka Gaza, kuwaasi oo ay sababeen duulaanka Israel.

Dhanka kale, waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Israel ay duqeymo ku garaaceen goobo ku yaalla marinka Qaza, iyadoo ay wararku tilmaamayaan in gantaalo cusub laga soo riday Qaza kuna sii jeedeen deegaanno ku yaalla xudduudaha Marinka.

Wakaaladda wararka ee Shehab ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israel ay lix weerar ku qaadeen agagaarka deegaanka Safina ee waqooyi-galbeed ee Gaza.

Wakaaladda waxay intaas ku dartay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen bartilmaameedka agagaarka deegaanka Safiina markii saddexaad, Iyo bartilmaameed kale oo ka dhacay deegaanka Al-Baydar ee galbeedka Gaza, sidoo kale weerar kale oo lagu bartilmaameedsaday koonfurta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

In ka badan 20 gantaal ayaa laga soo tuuray marinka Qaza, shalay oo Talaado ahayd, iyadoo ay jirto in Israel ay gashay xaalad taxadar ah kaddib dilkii hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ee Khader Adnan.

Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa dhowr goob oo dhanka xuduudaha ah oo ay leeyihiin kooxaha Falastiiniyiinta ku duqeeyeen taangiyo, sida lagu helayo wararka.

Xaalad caro ah ayaa ka jirta xabsiyada Israel, halkaasoo boqolaal dadyoowga reer Falastiin ah ay ku xiran yihiin, waxaana dhowr xisbi falastiin ah ay dhaleeceeyeen dhimashada Khader, iyagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Israel.

LEAVE A REPLY