FADEEXAD: Mushaar La’aan Soo Wajahday Ciidanka Xoogga Dalka

0
113

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa bishaan qaadan wax mushaar ah, taas oo noqoneysa fadeexad weyn oo ay madaxa saaraneyso dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Iyadoo ciidanku la siinayey lacag dhan 200 doolar islamarkaana ay dhibaato xooggan ku qabaan dhanka Furimaha ayaa sidoo kale waxaa laga goostay raashiinkii ay sahayda ka dhiganayeen.

Sida muuqata madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu mashquulsan arrimaha meelmarinta Dastuurka oo uu dano gaar ah ka leeyahay, iyadoo qarashkii ciidanka laaluush ahaan loo siiyay xildhibaannada Baarlamaanka.

In ciidanka ay isaga soo baxaan furimihii dagaalka waxaa sabab u ah maadaama aysan haysan daryeel dowladeed, sidoo kalena laga goostay xuquuqdii ay qaadanayeen, waana midda keeneysa in cadowga uu ka faaidyesto.

LEAVE A REPLY