Dhaarinta Kadib, Goorma Ayuu Farmaajo Waayi Doonaa Sharciyadda uu Sheegto?!

0
427

Khamiista ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo si rasmi ah meesha uga saari doonta baarlamaankii 10-aad, bog cusubna u fureysa baarlamaan cusub ee 11-aad oo rasmi ah ay yeelato jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhaarinta kadib, sidee ayey noqon doonaa hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo sharciyadda uu sheegto Farmaajo, waxaan su’aashaas hordhigtay khubaro falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabada iyo Cadaaladda Nuur Bocor Jeele  ayaa waxaa uu sheegay in dhaarinta xildhibaannada federaalka ah ay tahay tallaabo horay loo qaaday, isaga oo intaa araaciyey in xildhibaan uu si rasmi ah jagadaasi ugu shaqeyn karo, xildhibaanna u noqon karo marka uu dhaarto.

Nuur Bocor waxaa uu qabaa in dhaarinta kadib si dhaqso ah loo gudagalo doorashada guddoomiye KMG si isagana uu hawlaha aqalka usii dhameystiro oo ah doorashada guddoon rasmi ah oo labada aqal yeeshaan, kuwaas oo iyaguna sii ambaqaadi doona doorashada madaxweynaha 10-aad Jmhuuriyadda.

Dhanka kale, Maxamed Maxamuud Cadde oo ah falanqeeyey siyaasadeed  oo isna dhaarinta iyo waxa ka dambeeya ka hadlay  ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada iyo doorashada guddoonka ay soo dedejineyso in dalka uu ka baxo jaho-wareerka iyada oo guddoomiyaha golaha shacabka ee la doorto uu dalka sii hoggaamin doono inta madaxweyne laga dooranayo.

“Doorashada ma sii jiitamesyo, dhaarinta kadib waa in sida ugu dhaqsiyaha badan laga doortaa guddoonka labada aqal, isaga guddoomiyaha uu muddo bil gudaheed ah uu kusoo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha, oo ay dooran doonaan baarlamaanka labada aqal”” ayuu intaa raaciyey Cadde.

Dalka ayaa isbadal rasmi ah waxaa uu geli doonaa doorashada guddoon rasmi ah kadib, iyada oo guddoomiyaha golaha shacabka laga rabo inuu hoggaamiyo muddada ka horeysa doorashada madaxweynaha 10-aad halka madaxweynaha hadda waqtigiisu dhamaaday uu musharax noqon doono.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, waxaa uu muddo bil ah u heystaa inuu ku dhiso guddi doorashada madaxweyne, kaas oo dhankiisa soo dhajinaya, qabanaya isla markaana maareynaya jadwalka doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda.

Waayidda Farmaajo ee sharciyadda uu sheegto, keliya masoo dedejineyso isbadal dalka ka dhaca, ee waxaa ay horseedi doontaa inuu go’aan ka qaato noloshiisa, oo ilaa hadda aan la ogeyn inuu msharax yahay ama in kale.

LEAVE A REPLY