Biden Oo Ku Wajahan Brussels Si Uu U Taageero Ukraine Oo Uu Cunaqabatayn Dheeraad Ah Ugu Soo Rogo Ruushka

0
798

Caasimadda Belgium-ka ee Brussels, ayaa isu diyaarineysa inay martigeliso shir siyaasadeed oo heerkiisu sarreeyo dhammaadka toddobaadkan, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, marka lagu daro kooxda toddobada ah iyo ururka NATO ee Waqooyiga Atlanta si looga wadahadlo arrinta dagaalka Ukraine iyo saadka tamarta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacada ku wajahan Brussels si uu wadahadalo ugala yeesho hogaamiyayaasha Yurub dagaalka Ruushka ee Ukraine, isagoo la imaan doona qorshe uu cunaqabateyn dheeri ah ku saarayo Moscow, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka Ruushka.

Wadahadallada Biden ee Brussels waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha NATO iyo kuwa Yurub, marka lagu daro booqasho uu ku tagayo Warsaw si uu wadatashi ula yeesho madaxweynaha Poland Andrzej Duda.

Laba ilo oo xog ogaal ah ayaa sheegay in Biden iyo kooxdiisu ay wadaan qorshayaal ay cunaqabatayn ugu soo rogayaan xubnaha baarlamaanka Ruushka  ee (Duma), waxaana la filayaa in cunaqabataynta lagu dhawaaqo Khamiista.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in cunaqabataynta ay ku jiri karaan 300 oo xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ee Duma.

“Ma jiraan go’aanno kama dambeys ah oo laga gaaray cidda iyo tirada inta qof ee lagu soo rogi doono cunaqabateynta,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad.

“Waxaan ku dhawaaqi doonnaa tallaabooyin cunaqabatayn dheeri ah oo aan la kaashaneyno xulafadeenna Khamiista marka madaxweynuhu uu fursad u helo inuu la hadlo madaxda,” ayuu raaciyay warkiisa afhayeenka aqalka cad.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa u sheegay saxafiyiinta Talaadadii in Biden uu ka qeybgali doono shir deg deg ah oo ay yeelanayaan NATO Khamiista, uuna la kulmi doono hogaamiyayaasha kooxda todobada ah uuna khudbad u jeedin doono 27ka hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ee fadhiga golaha Yurub.

Ka sokow cunaqabataynta cusub ee lagu soo rogayo Ruushka, Sullivan wuxuu yiri, Biden wuxuu la shaqayn doonaa xulafada Maraykanka si loo adkeeyo cunaqabataynta jirta si looga hortago in cunaqabateynta ay dhaqan gali weyso.

Biden waxa uu ballan qaaday in aanu dagaal toos ah la gelin Ruushka, balse waxa uu ballan qaaday in Maraykanku uu difaaci doono dhammaan dhulalka NATO, waxa kale oo uu amray in ciidamo badan oo Maraykan ah loo diro dhinaca bari ee isbahaysiga si ay cabsida xulafada u qaboojiyaan.

Wargeyska The Times ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa soo xigtay ilo ka tirsan dawladda Ingiriiska in wada xaajood kasta oo lala yeesho Ruushka uu noqdo mid meel adag laga soo saaro, isla markaana dalalka G7 looga baahan yahay inay muujiyaan midnimo mowqif ah oo arrintan ku saabsan.

Ilaha dowladda ayaa ka digay in wax uu ugu yeeray tanaasulaad hore loo sameeyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wargeysku waxa uu sheegay in Wasiirada Ingiriiska ay muujiyeen walaac isa soo taraya ee ku aadan wadahadalka ay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz la yeelanayaan Madaxweynaha Ruushka.

Dhinaca kale, Maraykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ayaa daraaseynaya arrinta ku saabsan ka saarista Ruushka ee kooxda labaatanka ah ee dhaqaalaha ugu waaweyn, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku lug lahaa wada-hadallada oo u sheegay Reuters.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in suurtagalnimada ah in dalal kale oo ka tirsan kooxda, oo ay ku jiraan Shiinaha, Hindiya, Sacuudi Carabiya iyo kuwa kale,oo diiday isku dayga ah in laga saaro Ruushka kooxda 20-ka ay kordhisay suurtagalnimada ah in xubnaha qaarkood aysan ka qaybgalin shirarka sanadkan.

G20, oo ay weheliyaan kooxda yar ee todobada ah – oo ay ku jiraan kaliya Maraykanka, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, canada, Japan iyo Igiriiska waa gole caalami ah oo muhiim ah oo loogu talagalay iskudubaridka wax kasta oo laga bilaabo tallaabooyinka isbeddelka cimilada ilaa deynta  gudubta xuduudaha.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY