Fred oo guul ku hoggaamiyay Man United kaddib markii ay ka adkaadeen Crystal Palace oo marti ugu ahayd Old Trafford…

0
816

Fred ayaa guul ku hoggaamiyay Manchester United kaddib markii ay ka adkaadeen Crystal Palace oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku garaaceen 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Crystal Palace ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Fred waxaana caawin qurux badan uu ka helay saaxiibkiis Mason Greenwood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Crystal Palace oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, United ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League ka soo gashay booska 6-aad.

LEAVE A REPLY