DEG-DEG: Barcelona Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay, Halyeey Kooxda Ah Ayaa Ku Soo Laabtay.

0
778

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata in ay dhamaystirtay saxiixa daafaca Dani Alves kaas oo ku soo laabtay kooxda kadib markii uu horay ugu soo ciyaaray.

Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta Dani Alves maalmihii ugu dambeeyay iyada oo doonaysa in ay xiddiga ku xoojiso kooxdeeda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga Dani Alves ku soo laabtay kooxda Barcelona waliba qalinka ku duugi doono heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Dani Alves ayaa Barcelona ugu biiraya qaab xor ah maadama uu bilaa koox yahay waxana haatan la sugayaa in La Liga ay ogolaato dhamaystirka heshiiska xiddiga reer Brazil.

Alves iyo Barcelona ayaa heshiis rasmi ah gaadhay waxana uu xiddiga reer Brazil qalinka ku duugi doonaa heshiis hal xilli ciyaareed ah oo uu la joogi doono kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY