“Lionel Messi wuxuu ku dhiban yahay Paris” – Luis Suárez

0
847

Laacibka reer Uruguay iyo kooxda Atletico Madrid ee Luis Suárez ayaa sheegay in saaxiibkiis u ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi uu dhibaato badan kala kulmo cimilada qabow ee ka jirta Faransiiska, isagoo xusay in laacibka reer Argentina uusan jecleen inuu ku ciyaaro cimilada qabow.

Lionel Messi ayaa u dhaqaaqay Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray kooxda reer Spain ee Barcelona.

Lionel Messi ayaan ilaa hadda ku soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga sugayay kooxda Paris Saint-Germain, waxayna u muuqataa in cimiladu qabowga ah ay sabab u noqon karto inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkan liita.

Luis Suarez ayaa la hadlay TNT Sport, ayaa wuxuu yiri:

“Xiriirka aan la leeyahay Lionel Messi? Maalin walba waan wada hadalnaa.”

“Lionel Messi wuxuu ii sheegay in marka uu ku ciyaarayo qabowga uu aad u xanuunsado marka uu barafku ka da’o Paris, balse ay tahay inuu la qabsado cimilada qabow ee halkaas ka jirta”.

Waxaa xusid mudan in Lionel Messi uu ka qeyb galay Paris Saint-Germain ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 12 kulan, waxaana uu ku guuleystay inuu dhaliyo kaliya 4 gool, islamarkaana uu caawiyay 3 gool kale.

LEAVE A REPLY