Brendan Rodgers Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Man United, Maxaa Cusub?

0
864

Brendan Rodgers ayaa lagu soo waramayaa inuusan doonayn in uu tababare u noqdo kooxda Man United bartamaha xilli ciyaareedka maadama uuna doonayn in uu ka tago kooxda Leicester City.

Mustaqbalka Solskjaer ee Man United ayuu shaki ku jiraa kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ay kala kulantay kooxda man City todobaadkii hore.

Man United ayaa la sheegayaa in ay tababarihii hore ee Liverpool u aqoonsatay badalka macquulka ah ee Solskjaer hadii ay shaqada ka caydhiyaan todobaadyada soo socda.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Eurosport, Rodgers ayaan doonayn in uu Man United ku biiro bartamaha xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha in uuna doonayn in uu kooxdiisa ka tago xilli ciyaareedka o socda.

Rodgers ayaan doonayn in uu kooxdiisa kaga tago meel cidlo ah bartamaha xilli ciyaareedka maadama uu haysto fursad uu koobab kula guulaysto kooxdiisa.

LEAVE A REPLY