Poland Oo Eryeysa 45 Diblomaasiin ah Kuwaas Oo Basaas U ahaa Ruushka

0
417

Waaxda la dagaalanka basaaska ee dalka Poland ABW ayaa maanta oo Arbaco ah shaacisay aqoonsiga 45 diblumaasiyiin Ruush ah oo looga shakisanyahay inay basaas u a haayeen dalkooda.

“Hay’adda sirdoonka gudaha waxay diyaarisay liis 45 qof ah, kuwaas oo ka shaqaynayey Poland iyagoo qarinaya dhaqdhaqaaqyadooda dublamaasiyadeed, kuwaasoo fulinayay hawlo basaasnimo ah oo ka dhan ah Poland,” ayuu yiri Stanislaw Zarin, oo ah afhayeenka wakaaladda sirdoonka ee Poland.

Waxa uu sharaxay in liiska loo gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Poland, isagoo xusay  in adeegga la-dagaallanka basaaska uu weydiistay “in laga saaro dhulka Poland”.

Zarin ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay nin u dhashay dalka Poland oo basaas u ahaa dowladda Ruushka ninkaan ayaa ka shaqeynayay waaxda kaydinta ee degmada Warsaw.

Bloomberg ayaa ku warantay in ninkan lagu eedeeyay in uu u gudbinayay Ruushka dukumentiyo qiimo leh oo la xiriira Poland iyo ajaaniibta ku nool dalkaasi.

Marqaati.com

 

LEAVE A REPLY