Fahad Yaasiin Oo Kashifay Shirqool Loo Dhigay Soomaaliya

0
197

Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartaTwitter ku shaaciyey shirqool uu sheegay inuu yahay kii ugu halista badnaa ee loo dhigo Soomaaliya.

Fahad ayaa sheegay in shirqoolkan ay ka dambeyso Dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka kooban yahay saddex weji, oo laba ka mid ah ay hadda socdaan, midna uu ku xigo, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad. 

𝐐𝐀𝐘𝐋𝐎𝐃𝐇𝐀𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 

Waxaan la wadaagayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed hadal taariikhi ah oo xiriir la leh mustaqbalka dalka, waana shirqoolkii ugu halista badnaa oo la fulinayo iyadoo la adeegsanayo maskaxda iyo gacmaha masuuliyiin haya xilal qaran. Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawr jeer isku dayday qorshahan ayaa heshay fursad dahabi ah, waana in dalka Soomaaliya la galiyo qalalaase iyo burbur uusan ka soo kaban karin muddo dheer.

Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona.   

Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka. 

Cid walba oo laxaw uu ka hayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, waxaa maanta saaran waajib wadani ah, oo ah sidii dalka looga badbaadin lahaa shirqoolkaas halista ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka.  

 

LEAVE A REPLY