xog: Boob Ku Socda Xarumaha Hay’adda NISA!

0
103

Boob aan nuuciisa taariikhdu werin ayaa xarumaha NISA ka soconaya habeenkii 5-aad oo xiriir ah.

Gaadiidkii Hey’adda ayaa laga tirtirayaa dhammaan calaamadihii hey’addu laheyd, waxaana qeyb kamid ah loo qaaday Galmudug. labo kamid ah waa kuwa aan xabaddu karin oo Cabdibilayaasha loo yaqaanno ayaa kamid ah. sidoo kale gaadiid raaxada oo aan xabaddu karin oo hey’addu laheyd ayaa la qaatay.
Rasaastii keydka hey’adda ayay hal diyaarad buuxda oo Muqdisho ka qaadday waxay ka dagtay garoonka Guriceel waxaana lagu xareeyay guryo magaalada ku yaalla.
Qeyb kamid ah keydkii la rartay waxaa lagu daabulau gaadiidka xamuulka qaada waxaana loo kala qeybiyay Muqdisho iyo Galgaduud.
Keydkii saadka iyo bakhaaradii raashinka waa la xaalufiyay.
Shaqaale cusub oo gaaraya 78 ayaa la qoray. 62 kamid ah shaqaalihii hore mushaar labbo ujibbaar ah ayaa loo kordhiyay si ay caqad ugu noqoto agaasimaha cusub ee Hey’adda.

LEAVE A REPLY