Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar: Kama daalin doono inaan ka caawinno Ruushka iyo Ukraine inay gaaraan heshiis soo afjaraya masiibada bini’aadantinimo.

0
429

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uusan ka waaban doonin caawinta Ruushka iyo Ukraine si loo gaaro go’aan mideysan oo lagu soo afjarayo musiibada bini’aadantinimo ee Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray isagoo wareysi siinayay CNN in Qatar ay ka soo horjeedo fal kasta oo gardarro ah ama awood loo adeegsado dal madax banaan, isagoo muujiyay sida ay Doxa u diidayso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo madax banaanida dhuleed ee dal kasta uu leeyahay.

Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa tilmaamay in wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov, ay u caddaatay in Moscow ay diyaar u tahay inay la gasho wadahadal ku saabsan dalabaadka ay soo bandhigtay, balse go’aanka waxaa leh dadka reer Ukraine iyo dawladda wixii la soo bandhigi karo.

Waxa uu sheegay in muhiimadda koowaad ay tahay in la abuuro jawi ammaan ah oo ay ku noolaadaan dadka rayidka ah, maadaama xaaladda bini’aadantinimo ee Ukraine ay si aan hore loo arag u xumaatay, isla markaana diiradda la saaro sidii xabad joojin loo gaari lahaa, oo ay ka mid tahay abuurista waddooyin iyo gargaar bini’aadannimo oo la gaarsiiyo dadka reer Ukraine.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Qatar ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay, iyo in la joogteeyo xiriirka wada shaqeyn ee dhinacyada kala duwan leh.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar waxa uu sheegay in dalkiisu aanu ka fiirsanayn maal-gashi cusub oo uu ku sameeyo Ruushka xaaladda hadda jirta awgeed ilaa ay ka caddeyso aragtida la xiriirta xasiloonida, balse waxa uu caddeeyey in maalgashiga Qatar ee Ruushka lagu sameeyey qiimayn ganacsi, maal-gashiyadaasina ay weli socdaan.

Dhanka faylka Nukliyeerka ee Iran, wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in ku noqoshada heshiiska Nukliyeerka ay aad muhiim ugu tahay xasiloonida gobolka, “Ma doonayno inaan aragno tartanka hubka,” isagoo ku nuux-nuuxsaday “Mareykanku waa xulafada anaga, waxaana dooneynaa inaan aragno dhammaan dhinacyada wada-xaajoodka nukliyeerka oo ku soo noqda heshiiska.”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in wadahadalka gobolka ee u dhaxeeya Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Iran uu yahay mid lama huraan ah si looga wada hadlo arrimaha iyo walaacyada ay wadaagaan.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY