Britain Oo Sheegtay In Kooxda Wanger Ay Ka Dagaalamayaan Bariga Ukraine

0
498

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda “Wagner” ee Ruushka ay ku sugan yihiin bariga Ukraine, iyadoo xustay in in ka badan kun dagaalyahan oo kooxdan ah ay ka qayb qaadan karaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ukraine.

Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa horumar ka sameeyay meel u dhow caasimadda Kyiv, Oleksandr Markushin, duqa magaalada Erbin, ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Ukraine ay dib u qabsadeen magaalada waqooyi-galbeed ee caasimadda, laakiin wuxuu sheegay inay soo cusboonaadeen weeraro ay ciidamada Ruushka ku qaadayaan Magaaladaan.

Mar uu ka hadlayay xaaladda magaalada go’doonsan ee Mariupol ee koonfur bari dalka, duqa magaalada ayaa sheegay in xaalada halkaasi ay ka jirto masiibo, maadaama 5,000 oo qof  oo ay ku jiraan 210 caruur ah  lagu dilay 27 maalmood oo ay socotay go’doominta Ruushka uu ku soo rogay magaalada.

Waxayna ciidamada daacadda u ah ciidamada Ukraine ee isku magacaabay guutada Islaamiga ah ee Crimea ay ku dhawaaqeen inay dib ula wareegeen gacan ku haynta tuulada Motigin oo dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Kyiv oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Ruushka.

Guutada ayaa sheegtay in howlgalkan ay fuliyeen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Ukraine, waxaana ay baahiyeen muuqaallo dagaalyahanadooda oo ku sugan gudaha tuuladaasi oo muujinayay Isa Akayev oo ahaa taliyaha guutada oo ay ku jiraan dagaalyahano Muslimiin ah oo ka tirsan Tataarka Crimea oo si rasmi ah ugu biiray. Ciidamada Ukraine 2015, ka dib markii Ruushku la wareegay gacan ku haynta jasiiraddan.

geesta kale, afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dhowr jiho ka soo weerareen gudaha Ukraine.

Konashenkov ayaa intaas ku daray in saacadihii ugu dambeeyay ay ciidamada Ruushka soo rideen diyaarado laga leeyahay dalka Ukraine iyo 19 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, ayna la wareegeen 36 goobood oo milateri.

Dhankiisa, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in dalkiisu uusan isticmaali doonin hubka nukliyeerka haddii aysan jirin khatar weyn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Waxa uu u sheegay dhiggiisa Turkiga rajada uu ka qabo in wadahadallada Istanbul iyo dhexdhexaadinta Turkiga ay ka soo baxaan natiijooyin u adeegaya amniga dalkiisa.

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay sii wadaan weerarka ay ku hayaan magaalada Mariupol ee galbeedka Ukraine, balse xarunteeda ay gacanta ku hayso dowladda Ukraine.

Maayarka caasimadda ayaa sheegay in 90% ay burbureen dhismayaashii la daganaa ee magaalada, isla markaana in ka badan 40% ay gebi ahaanba burbureen.

Saraakiisha guud ee dalka Ukraine ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo rideen 8 diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, kuwaas oo ka kooban 3 helikobter ah, 4 marsho iyo 2 gantaal.

Waxay kaloo sheegtay in ciidamadoodu ay burburiyeen muddadaas 12 taangi, 10 gaadiidka dagaalka ah iyo 3 baabuur oo ay wateen ciidamada Ruushka.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY