7 Waddan oo Yurub ah ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inaysan ka qeybqaadan dagaalka Ukraine

0
580

Todobo dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka fogaadaan inay si mutadawacnimo ah u taageeraan ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada Ruushka, taasoo qeyb ka ah bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada caddaaladda oo Isniintii ku kulmay caasimadda Belgium-ka ee Brussels, Kyiv ayaa soo bandhigtay Maalmo ka hor guuto ka tirsan dagaalyahannada shisheeye kuwaas oo ka kala yimid wadamada reer Yurub.

War qoraal ah oo la daabacay ka dib kulan ay Isniintii yeesheen oo ay daabacday Wasaaradda Caddaaladda ee Belgium-ka ayaa lagu sheegay in wasiirrada caddaaladda ee toddobada waddan ay “si wada jir ah uga niyad jabiyeen in reer Yurub ay ku biiraan” dagaalyahannada mutadawiciinta ah, waxaana dalalka arintaan ka kulmay ay kala yihiin Faransiiska, Jarmalka, Netherlands, Spain, Italy, Luxembourg iyo Belgium-ka.

“Dabcan kuma dhiirigelineyno dadka reer Yurub inay aadaan aagga dagaalka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ka dib kulan uu Isniintii kula yeeshay dhiggiisa Yurub magaalada Brussels, isagoo intaas ku daray in Paris ay diwaangelisay tiro yar oo Faransiis ah oo ku wajahan Ukraine.

February 28, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu ku dhawaaqay sameynta “ciidan caalami ah” si ay u taageeraan ciidamada dalkiisa ee weerarka Ruushka tan iyo February 24, iyo 6-dii bishan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in Kyiv aysan cidna ku qasbin in uu dagaalka ka qwyb galo balse waxa ay sheegtay dadka inay iyaga jeclaadeen inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ukraine.

6-dii Maarso, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​20,000 oo dagaalyahan, gaar ahaan ka socda dalalka Yurub, ay si mutadawacnimo ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka, oo maamula aagagga waqooyiga bariga iyo koonfurta Ukraine.

Toddobadii bishan, sirdoonka milatariga Ukraine ayaa sheegay in cutubyo gaar ah oo ka tirsan guutooyinka caalamiga ah ay bilaabeen hawlgallada dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, 11-kii isla bishan, wakaaladda wararka ee Ukraine ayaa sheegtay in mutadawiciin ka socda 52 waddan ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Ruushka.

Majaladda Mareykanka ee “Policito” ayaa soo xigatay warbixin la daabacay dhowr maalmood ka hor, afhayeenka Legion Demian Magro isagoo sheegay in qeybta ugu badan ee dagaalyahannada ajnabiga ah ay ka yimaadeen Britain, Mareykanka iyo Poland, marka lagu daro joogitaanka tiro yar oo dagaalyahanada ah kana socda wadamada Baltic-ga (Estonia, Latvia , Lithuania) iyo canada.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY