Reuters: Turkiga iyo Israa’iil oo ka wada xaajoonaya dhismaha dhuumanka gaaska

0
548

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in saraakiil ka kala tirsan Turkiga iyo Israa’iil ay sheegeen in labada dhinac ay daaha gadaashiisa kaga wada hadlayaan dhismaha dhuumaha Gaaska qaada, si ay u noqoto mid ka mid ah kuwa Yurub u badala tamarta ee Ruushka ka qaataan balse arrintani waxay la kulmi doontaa caqabado badan ka hor heshiis kasta sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida laga soo xigtay wakaaladda fikradda markii ugu horreysay waxay soo baxday sannado ka hor, taas oo ah in la dhiso dhuumo badda hoosteeda mara oo ka yimaada Turkiga ilaa beerta Leviathan, oo ah mid ka mid ah gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn badda Mediterranean-ka, ka dibna gaasku wuxuu u qulquli doonaa Turkiga iyo deriskeeda ee koonfurta Yurub. kuwaas oo raadiya tamar u badasha tan Ruushka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkii hore sheegay in iskaashiga dhanka gaaska uu yahay mid ka mid ah talaabooyinka ugu muhiimsan ee ay wada qaadan karaan xiriirka labada dal, wuxuuna u sheegay suxufiyiinta inuu diyaar u yahay inuu u diro israa’iil wasiirro sare si loo soo nooleeyo fikradda dhuumaha gaaska oo jirtay sanado badan..

Wakaaladda oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga ayaa sheegtay in wada-hadallada labada dhinac ay sii socdeen tan iyo markii madaxweynaha Israa’iil Isxaaq Herzog uu booqday Ankara horraantii bishan, waxaana laga yaabaa in bilaha soo socda la arki karo “go’aanno dhab ah” oo ku aaddan wadada la soo jeediyay iyo cidda ka qayb-galeysa.

Laakiin saraakiisha qaybta tamarta ayaa qaab muxaafid ah u qaadaya mashruuca, iyaga oo sheegaya in wax soo saarka iyo caqabadaha juqraafiyeed ay yihiin arrimo laga yaabo inay ka hortagaan qorshaha inuu iftiimiyo.

Khadka Leviathan ayaa siiya gaaska Israel, Urdun iyo Masar. Milkiilayaasha mashruucaan  oo kala ah shirkadda Maraykanka ee Chevron iyo labada shirkadood ee Israa’iil Numid Energy iyo Rachio Oil  waxay ku talo jiraan inay kordhiyaan wax soo saarka gaarsiiyaanna 12 bilyan cubic mitir sannadkii ilaa 21 bilyan.

Marka la barbardhigo, Midowga Yurub wuxuu soo dhoofsaday 155 bilyan cubic mitir oo gaaska Ruushka ah sannadkii hore, taas oo ka dhigan in 40% ay isticmaalaan gaaska Ruushka.

Shirkadda Numid ayaa sheegtay in inta badan soosaarka gaaska dheeriga ah lagu shubi doono markab loona dhoofin doono Yurub ama Bariga Fog.

Madaxa fulinta ee shirkadda ayaa bishii hore sheegay in Turkiga uu sidoo kale noqon karo meel loo socdo, laakiin ay tahay inay naftooda ku maalgeliyaan qorshahan oo ay go’aansato dhismaha dhuumaha.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Karen Al-Harrar ayaa u sheegtay shabakadda wararka ee Ynet  Axaddii  in arrimo badan oo ay ku jiraan arrimaha maaliyadda aan weli laga hadlin.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay jimcihii in iskaashiga dhinaca gaaska dabiiciga ah uu ka mid yahay tallaabooyinka ugu muhiimsan ee Turkiga iyo Israa’iil ay qaadi karaan, iyada oo la isku dayayo in la hagaajiyo xiriirka labada dhinac isagoo intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett laga yaabo inuu booqdo Turkiga.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY