Washinton Iyo London Oo Soo Dhaweeyay Xabad Joojinta Ka Hirgashay Gobolka tigray

0
429

Jabhadda Xoreynta Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay u hoggaansami doonto xabbad joojinta bini’aadantinimo ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa, ujeeddaduna tahay in la fududeeyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.
Jabhadda ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Jimco ah ku sheegtay in ciidamadeeda hubeysan ay ku dadaali doonaan sidii ay nabadda fursad kale u siin lahaayeen, iyagoo ugu baaqay dowladda Itoobiya inay ka dhabeyso ballan-qaadyada ayna qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gargaarka bani’aadamnimo ee gobolka.
Jabhadda ayaa si cad u sheegtay inay go’aansatay inay guuleysato xabbad joojinta, balse waxay tixgelisay in “isku xirka arrimaha siyaasadda iyo arrimaha bani’aadamnimada ay tahay mid aan la aqbali karin.”
Shalay oo Khamiis ahayd, dawladda Itoobiya waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo furan, oo si degdeg ah uga dhaqan-galeysa Tigray, ujeeddadeeduna tahay in la hubiyo in gargaarka aan la xannibin la gaarsiiyana dadka u baahan ee ku sugan gobolka Tigray.
Midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Itoobiya.
Safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa ayaa ugu baaqday maamulka Tigray inay si naxariis leh uga jawaabaan arrintaan waxayna xaqiijisay inay diyaar u tahay inay taageerto dadaalka dowladda ee lagu ballaarinayo jawaabta aaggan.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay goor hore oo maanta oo Jimce ah, in Washington iyo ergaygeeda gaarka ah ee Geeska Afrika, David Satterfield, uu ku sugan yahay Itoobiya toddobaadkan, “ayna ku boorinayso dhammaan dhinacyada inay sii xoojiyaan ku dhawaaqista xabad joojinta taas oo ujeedadeedu tahay in la gaaro xabbad joojin laga wada xaajoodo oo joogto ah taas oo ay ku jirto qabanqaabada amniga ee lagama maarmaanka ah.”
Xoogag taabacsan dowladda iyo fallaagada Tigrayga ayaa isku horfadhiya waqooyiga Itoobiya tan iyo markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed u diray ciidamada federaalka bishii November 2020 si ay u eryaan maamullada deegaanka ee Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, kuwaas oo ka gadoodsan maamulkiisa muddo bilo ah.
Kadib, 2021, ciidamada kacdoonka ee Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray waxay dib ula wareegeen dhulka Tigray, colaadda ayaana tan iyo markaas ku fiday gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.
Dagaalka oo socday ku dhawaad 17 bilood ayaa waxa uu sababay dhibaato bini’aadantinimo oo halis ah taas oo ka dhacday waqooyiga dalka, iyadoo in ka badan 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, sida ay sheegtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.
Dublamaasiyiin shisheeye, oo uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, waxay isku dayayeen muddo bilo ah inay abaabulaan wadahadallo nabadeed, iyadoo aan lagu guuleysan.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY