Ankara Oo Washinton Ka Iibsaneyso Diyaaradaha Dagaalka Ee F-16

0
395

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wasiirkiisa Difaaca Hulusi Akar uu wadahadalo la xiriira iibsashada iyo casriyeynta diyaaradaha dagaalka ee F-16 uu kala xaajoonayo dhanka Mareykanka, waxa uuna sheegay in marxaladda wanaagsan ee arrintan la xiriirta ay sii socon doonto.

Tani waxay ku soo beegantay hadal uu warfidiyeenada ugu waramayay Madaxweynaha xilli uu ku soo laabtay dalka Turkiga, ka dib markii uu ka qayb galay shir-madaxeedkii degdega ahaa ee madaxda ururka NATO ee Waqooyiga Atlanta.

Erdogan ayaa tilmaamay in ay jiraan habab wanaagsan oo ku saabsan casriyeynta iyo iibsiga diyaaradaha cusub ee F-16.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ii sheegay in uu u bandhigi doonno qaabka ugu wanaagsan ee aan u wajaheyno arrintan aqalka congresska, waana la socon doonaa. Haddii aan gaarno gabagabada jihadaas, waxaan heli doonaa fursad aan ku dhameyno habka iibsashada iyo casriyeynta F -16 si dhakhso ah waana rajeyneynaa in si wanaagsan noogu dhamaato “ayuu raaciyay.

Waxaa xusid mudan in Turkiga uu Mareykanka u gudbiyay codsi ah in uu ka soo iibsado diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo agabk lagu casiryeeyo diyaaradahaan ay isku nooca yihiin ee ka tirsan ciidamadooda cirka.

17-kii October, Madaxweyne Erdogaan waxa uu tilmaamay in F-16-ku uu xiriir la leeyahay F-35, soo jeedinta arrintan la xiriirtana ay ka timid dhanka Mareykanka oo aysan ka imaan Turkiga.

Waxa uu tilmaamay in arrinta quseysa Turkiga ay tahay in hal bilyan iyo 400 oo milyan oo dollar uu ku bixiyo mashruuca diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Waxaa xusid mudan in xukuumadda Washinton aysan ku wareejinin diyaaradaha dagaalka ee F-35 wadanka Turkiga, iyadoo marmarsiiyo looga dhigay inay Ankara iibsato nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, kaddib markii Mareykanku uu ka gaabsaday inuu Turkiga siiyo nidaamka Patriot.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa  horey ugu sheegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Ankara aysan bedeli doonin mowqifkeeda ku saabsan nidaamka difaaca gantaallada ee Ruushka ee S-400 iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-35, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadoul.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa horey ugu wargelisay Turkiga in laga saaray barnaamijka F-35, sababo la xiriira iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada Ruushka ee S-400.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Turkiga, Ankara waxay horay iskugu dayday inay ka iibsato nidaamka gantaalaha Patriot Maraykanka, laakiin Washington way ka gaabsatay inay nidaamkan difaaca ka iibiso Turkiga, iyada oo ku dooday inay u baahan tahay ogolaanshaha Congress-ka si ay u iibiso alaabtan milatari.

Marqaati.com

 

LEAVE A REPLY