Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in 7 Jeneraal oo Ruush ah lagu dilay dagaalladii ka socda Ukraine

0
566

Saraakiisha reer galbeedka ayaa shaaciyay magacyada todobo Jeneraal oo Ruush ah oo ay sheegeen in la dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine, iyo Jeneraal kale oo la rumeysan yahay in xilka laga qaaday.

Wakaaladda  wararka ee Faransiiska oo soo xiganeysa sarkaal reer galbeedka ah ayaa sheegtay in jeneraaladaan kii u dambeeyay dhintay kaas oo lagu lagacaabo General Yakov Rezansev, kaasoo ahaa taliyaha ciidanka 49-aad ee isku dhafka ah ee ciidanka xoogga dalka Ruushka.

jeneraalada dhintay waxaa ka mid ah taliyihii Magomed Tosheyf oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee sheyshaana oo uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u diray Ukraine.

Sarkaal reer galbeedka ah ayaa ku andacooday in taliyaha guutada 37-aad ee ciidamada Ruushka ay dileen ciidamadooda “iyadoo ay sabab u tahay baaxadda khasaaraha soo gaaray guutada”. “Waxaan rumeysannahay in si ula kac ah ay u dileen ciidamadooda taliyahaan,” ayuu yiri.

Sarkaalku waxa uu arrintan u arkay calaamad kale oo muujinaysa “caqabadaha anshaxa ee ay wajahayaan ciidamada Ruushka.”

Saraakiisha ciidamada reer galbeedka ayaa la yaabay tirada badan ee askarta Ruushka, saraakiil xigeenada iyo saraakiisha sarsare ee lagu dilay dagaalka halka bil socda ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Dhimashada tirada badan ayaa qeyb ka mid ah loo aaneynayaa dhanka isgaagsiinta iyo dhibaatooyinka saadka taas oo keentay in saraakiisha sarsare ay adeegsadaan habab isgaarsiineed oo aan qarsoodi aheyn taas oo keentay in ciidamada Ukraine ay o gaadaan.

Kremlin-ka ayaa Jimcihii shaacisay in in ka badan 1,300 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen dagaalka, laakiin waxaa jira qiyaasaha caasimadaha reer galbeedka ayaa sheegay in tirada Kremlinka ay sheegtay 5 jibaarkeeda oo dhimasho ah inay soo gaartay ciidamada Ruushka.

warbixinnada reer galbeedka ayaa sheegay in si lama filaan ah shaqada looga ceyriyay General Vlaislav Yerchov oo ka tirsanaa Ciidanka Lixaad ee Isku-dhafka Hubka ah, iyaga oo u aaneynaya tan “khasaaraha culus iyo guuldarrooyinka istiraatiijiga ah ee heysta ciidamada Ruushka”.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa aaminsan in ilaa 20 ka mid ah guutooyinka taatikada ah ee loo diray Ukraine, oo tiradoodu u dhaxayso 115 iyo 120, aysan “la dagaalami karin hadda ciidamada Ukraine ” khasaaraha soo gaaray awgeed.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY